Maamulka Jubba & QM oo kawada hadlay soo celinta qoxootiga Soomaaliyeed
Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo ka socday hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Aduunka iyo bankiga Islaamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigani uu kulamo la qaatay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba.
Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo kulan ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kula qaatay madaxeeyne ku xigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere iyo weliba xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.
Masuuliyiintan ayaa kulankoodii uga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo madaxda labada dhinac ay sheegeen in dadka doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda gaar ahaan gobollada Jubooyinka ay u fududeyn doonaan.
Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo uu xusay in intooda badan ay kasoo jeedaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubba, waxa uuna sheegay in ay isku afgarteen dhamaan arimihii ay ka wada hadleen goor dhowna ay bilaabi doonaan dib usoo celinta qaxootiga.
Madaxdii ka socotay bankiga Islaam iyo weliba hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan dib usoo celinta qaxootiga, iyagoo sheegay in 8-da bishan aynu ku jirno ee December ay dib usoo celin doonaan 100-qoys.
Masuuliyiintan ayaa sheegay in qaxootiga ay kusoo laaban doonaan rabitaankooda, waxayna sheegeen in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay dib usoo celin doonaan qaxootiga.
............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Shirkado ku Hanjabay inay Joojinayaan Qaadka ay SL uga keenaan Itoobiya
- Rabshado Baahsan oo Maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee G. Sool
- SAYLICI: Waa la ogaaday in dawada HIV/AIDS ay ilaa xad baabi’iso cudurka
- Xisbi Syaasadeed loo bixiyay DALJIR oo Maanta Muqdisho looga Dhawaaqay
- Mudaaharaad ka dhacay Boorama kaddib xariga Maayarkii hore ee degmada
- Dad Naafo ah oo Dibadbax ka hor-sameeyay Xarunta Wasaaradda A. Gudaha
- Milateriga Somalia oo Xarumo ku Wareejiyay Hay’adaha Amniga (SAWIRRO)
- Wafdi ka Socda Ururka Jaamacadda Carabta oo Maanta soo gaaray Muqdisho
- Buundada Jowhar oo Maanta dayactir lagu billaabay Mudo 50-sano ah Kaddib
- Kulan dhaqaale loogu ururinayay abaaraha Sh/Hoose oo Sweden lagu Qabtay
- Wasiirka Arrimaha gudaha & taliyaha booliska Kenya la filayo inay is-casilaan
- Qarax uu ku dhaawacmay hal qof oo ka dhacay Suuq ku yaalla Gaarisa-Kenya
- Dadweynaha Puntland oo lagu eedeeyay in ay Qariyaan Xoogagga Al-shabaab
- Hay’adda culumada oo dowladda ugu baaqday inay xoog ku joojiso colaadaha









