4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2014
IGAD iyo maamulka Jubba oo ka hadlay dadaalladii nabadeed ee Jubooyinka


Axad, Agoosto 31, 2014 (HOL) :- Wafdigii ka socday dowlad goboleedka IGAD iyo maamulka Jubba ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo maalmihii u danbeeyay ka soconayay degmada Kismaayo, iyadoo ay ugu muhiimsanayd soo xareynta ciidamadii uu hogaaminayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.

Shir jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah xarunta madaxtooyada Kismaayo ugu qabteen gudoomiyaha IGAD ahna wakiilka Itoobiya ee Soomaaliya Faseexa Shaawel, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Max'ed Cabdi Afeey iyo afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayay uga hadleen arimo dhowr ah oo ay kamid ahayeen arinta soo xareynta COL Barre Hiiraale iyo weliba sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiisyadii ay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku kala sixiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Max'ed Cabdi Afeey oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in wafdigooda ka socday IGAD oo kaashanaya xubno wasiiro ah oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Kismaayo ka wadeen dadaallo la doonayo in lagu xaliyo dhibaatooyinkii ka jiray Jubooyinka islamarkaana lagu soo xareeynayo COL Barre Hiiraale arintaa oo uu xusay in lagu guuleystay.

Masuulkan ayaa uga mahadceliyay madaxweeynaha maamulka Jubba sida uu uga qeybqaatay howlihii ay u yimaadeen, isagoo sidoo kale mahadcelin ballaaran u jeediyay COL Barre Hiiraale oo uu sheegay in uu qaatay go'aan geesinimo leh, islamarkaana uu ka aqbalay dadaalladii nabadeed ee ay ula tageen.

Mr. Shaawel oo isna hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ka IGAD ahaan ay sii wadi doonaan adkeyntii waxyaalihii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in arinta soo xareynta ciidamadii uu watay Barre Hiiraale ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

Wuxuu intaa ku daray in lagu guuleystay tallaabadii u horeeysay oo ahayd soo xareynta ciidamadaaas, waxa uuna sheegay in waxa xigi doono ay noqon doonto in la wada dhisto maamulka islamarkaana la ambaqaado buu yiri sidii xoogagga Al-shabaab looga saari lahaa qeybaha ay ka maamulaan gobollada Jubooyinka.

Ugu danbeyntii waxaa shirkan jaraa'id hadal ka jeediyay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, kaasoo uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya, ururka IGAD iyo guud ahaan madaxdii ka qeybqaadatay dadaalladii nabadeed ee lagu soo xareeyay ciidamadii uu horkacayay COL Barre Hiiraale.

Masuulkan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin tallaabada lagu soo xareeyay ciidamadii uu watay COL Barre Hiiraale, isagoo sheegay in tallaabada xigta ay noqon doonto ka wada qeybqaadashada shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo la filayo in uu furmo 16 bishan.

............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.