4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
SAWIRRO: Weerarkii ay Al-shabaab Maanta ku qaaday Xabsiga Godka Jilicow


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabab ayaa maanta weerar culus ku qaaday xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir ee Godka Jilicoow, iyadoo ay weerarka ku dhinteen 11-qof oo isugu jiray, xoogaggii weerarka ku qaaday, ciidamada dowladda iyo shacab.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ujeeddada weerarkoodan uu ahaa mid ay ku doonayeen inay ku dumiyaan dhibaatooyin dhanka ban’aadamnimada ah oo dowladda Soomaaliya ay xabsigaas ugu geysato dad muslimiin ah.

“Weerarkeennu wuxuu ahaa mid aan uga jawaabaynay jirdil iyo dhibaatooyin kale oo dad muslimiin ah loogu geysto xabsigaas,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha iyo midda caalamka.

Sidoo kale, xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxihii weerarkaas soo qaaday oo dhan la dilay, kuwaasoo ay tiradooda ku sheegtay toddoba ruux oo lab aka mid ah ay is-qarxiyeen.

“Toddoba ka tirsan xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, saddex askari iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay goobta, weerarkuna wuxuu noqday mid fashilmay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Somalia, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hdlay weerarka kaddib.

Sidoo kale, Col. Maxamed Xasan oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in kooxaha weerarka soo qaaday ay doonayeen inay xabsiga kala baxaan maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo horay loo xukumay.

Iska-horimaadka ayaa ku billowday qaraxyo baabuur, iyadoo xoogag hubeysan ay markaas kaddib gudaha u galeen xabsiga, iyadoo uu dhacay dagaal culus oo dhex-maray ciidamada dowladda Soomaliya ee ilaalada ka hayay xabsigaas.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalku uu qaatay muddo saacad ka yar, balse goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku si xiriir ah u socday uu socday muddo laba saacadood ah.

Ugu dambeyn, goobjooge lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi oo deggen agagaarka xabsigan oo ay nabadsugiddu leedahay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay goobta yimaadeen dagaalka kaddib ayna qaadeen dhowr qof oo dhaawacyo qaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya