4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
LYDIA WANYOTO: "Waxaynu Doonaynaa in Wadajir looga Shaqeeyo Nabadda


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta inay soo dhaweynayso horumarka laga sameeyay dadaalka nabadeed ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegya in dadaalkan miro-dhalka ah uu yahay mid ay iska kaashadeen xukuumadda Soomaaliya, maamulka KMG ee Jubba, AMISOM, IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yuurb iyo beesha caalamka, ujeeddaduna ay ahayd in ahmiyad weyn la siiyo sidii loo xallin lahaa khilaafaadyadii ka jiray Jubbooyinka.

“Khilaafkii Jubbaland oo soo jiray muddo sannad ka badan wuxuu meesha ka baxay markii shalay oo bisha Ogoosto ahayd 30, kaddib markii uu si aan shuruud lahayn u ogolaadeen Col. Barre Hiiraale iyo taageerayaashiisa in khilaafaadyadii jiray lagu dhameeyo si nabad ah,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay AMISOM.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu xusay in Col Barre Hiiraale & taageerayaashiisu ay heshiis la galeen hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, taasoo meesha ka saartay kala qaybsanaantii u dhexeysay maamulka Jubba.

“Ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan waxay Col. Barre ugu tageen deegaankii uu joogay ee Goobweyn oo 18-km dhinaca Waqooyi-bari kaga beegan Kismaayo, waxayna u soo kexeeyeen magaalada, halkaasoo uu kula kulmay hoggaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe,” ayaa ku tiri AMISOM war-murtiyeedkeeda.

AMISOM waxay intaas ku dartay in qaraarkii Qaramada Midoobay ee 2093 uu tirsigiisu ahaa uu dhigayo in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay qayb ka tahay wadahadalsiinta iyo dhexdhexaadinta Soomaalida, si looga hirgeliyo Soomaaliya nabad iyo dib u heshiisiin taam ah.

Ku simaha ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, Lydia Wanyoto Mutende ayaa soo dhaweysay dadaalkan nabadeed ee lagu kulansiiyay Col. Barre Hiiraale iyo madaxa maamulka KMG-ka ah ee Jubba.

“Howlgalka Midowga Afrika wuxuu doonayaa in Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, wada-noolaanshaha iyo nabadda Soomaaliya,” ayay tiri Wanyoto.

Khilaafkii u dhexeeyay Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa wuxuu yimid kaddib markii labadan mas’uul ay ku dagaalameen maamulka Jubba sannadkii hore, iyadoo taasi ay keentay in Col. Barre iyo ciidamadiisa laga saaro magaalada Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya