4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
DAAWO SAWIRRO: Deegaanka Buulo-mareer oo degen & dadka oo soo baxay


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Deegaanka Buulo-mareer oo ka mid ahayd deegaanadii gobolka Shabeellada Hoose ee ay maamulaysay Al-shabaab oo ay shalay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta deggen, iyadoo ay dad badan isugu baxeen gudaha deegaankaas.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in Qorshahooda weyn uu yahay inay la wareegaan degmada Baraawe oo u jirta deegaanka Buulo-mareer u jirta illaa 80-km, halkaasoo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay Shabeellada hoose ku leeyihiin.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo taliyaha ciidamada AMISOM Shabeellooyinka iyo Banaadir, Dick Olum ayaa dadweynaha fara badan kula hadlay fagaare ah oo ku yaalla bartamaha Buulo-mareer.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Shacabka ayaa ka dalbaday saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ammaanka inay ka shaqeeyaan amniga oo aysan dhicin falal boob iyo bililaqo ah oo ay qaar ka mid ciidamadu u geystaan shacabka deegaannada la qabsado.

C/qaadir Siidii ayaa ka codsaday shacabka inay ciidamada amniga dowladda Somalia kala shaqeeyaan sugidda amniga, iyadoo intaas kaddibna ay ciidamadu ka billaabeen xaafadaha deegaankaas inay ka baaraan waxyaabaha qarxa.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay aanay ka fogeyn deegaanka, iyadoo xalay madaafiic ay ku weeraray fariisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka sameysteen deegaanka Buulo-mareer, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya