4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Ururro Caalami ah oo soo Dhaweeyay Nabaddii uu Qaatay Col. Barre Hiiraale

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiskii uu galay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale), heshiiskaasoo uu uga qayb-galaayo geeddi-socodka dib u heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar ka mid ah ciidamadiisa in la baaro, kaddibna ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiska ka dhex dhacay Col. Barre Hiiraale iyo maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaasoo ay dowladda Somalia ka ahayd dhex-dhexaadiye,” ayaa lagu sheegay qoraalka ururradan ay sida wadajir ah u soo saareen.

Iyagoo intaas ku daray. “Heshiiskan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya. Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno shirka dib u heshiisiinta ee la filayo inuu Kismaayo ka dhaco toddobaadyada soo socda, sidoo kalane waxaan ugu baaqaynaa gabi ahaan dhinacyada ay arrintani quseyso inay la xariiraan dadka ay arrimaha quseeyaan oo dhan.”

Qoraalkan ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa masaalixda iyo danaha shacabka ku nool Jubbooyinka, si heshiiska loo dhameystiro uuna u noqdo mid shaacabka oo dhan ay ku qanacsan yihiin.

Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka ayaa la sheegay inay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda ummadda Soomaaliyeed.

Col. Barre Hiiraale ayaa maalmo ka hor ogolaaday heshiis nabadeed oo ay wadeen wafdi wasiirro ah oo ay xukuumaddu u dirtay magaalada Kismaayo si ay u dhexdhexaadiyaan Col. Barre iyo madaxweynaha maamulka Jubba oo uu horay dagaal u dhexmaray.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre iyo Col. Barre Hiiraale ayaa maqribnimadii xalay soo gaaray Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya