4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la Wareegay Degmada Kurtun-Waareey

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gellinkii dambe ee maanta kala wareegay Al-shabaab degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa laga soo xigtay in ciidammo badan oo AMISOM iyo kuwa  dowladda ah ay gudaha u galeen Kurtun-waarey, iyadoo degmadan ay ka mid noqonayso deegaannadii Al-shabaab ay tan iyo shalay kala wareegeen Al-shabaab.

“Waxaa degmada soo galay gellinkii dambe ee maanta ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa deegaanka oo sababo amni u qarisay magaceeda.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in xoogaggii Al-shabaab ee horay ugu sugnaa degmadaas ay isaga baxeen, ciidamaduna ay soo galeen iyadoo aysan dhicin wax iska-horimaadyo ah.

Ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxy saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan la wareegista maamulka gobolka weli kama aysan hadlin ay la wareegeen maanta degmadaas.

Degmada Kurtun-waarey waxay ka mid ahayd degmooyinka ay awoodda badan ku lahayd Al-shabaab, iyadoo shalay oo Sabti ahaydna ay ciidamadu kala wareegeen deegaanka Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumaha ugu waaweyn ee ay gobolkaas ku lahayd Al-shabaab..

Xarakada Al-shabaab ayaa iyadana weli ka hadlin degmada Kurtun-waarey ee lagala wareegay, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu horay u sheegay inay go’doon geliyeen deegaanka Buulo-mareer oo ay ciidamada huwanta ah kala wareegeen shalay.

AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay wajigii labaad howlgallo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada dalka qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya