4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Xukuumadda oo sheegay in Weerarkii Godka Jilicoow uu fashil ku dhamaaday


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — War kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay ciidanka dowladda ay ka hor-tagay weerar gaadmo ah oo ay xabsiga Jilicoow ku qaadeen xoogag Al-shabaab ka tirsan. sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in weerarku uu qaatay muddo 45 daqiiqo ah laguna dilay kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay toddoba qof oo ka mid ah xoogaggii Al-shabaab, saddex ciidamada nabadsugidda ka tirsan iyo laba shacab ah.

“Waxaa weerarkaas ka hortagay ciidamada dowladda Somalia iyo ciidamada dowladda Soomaaliya wayna ku fashilmay kooxihii weerarka soo qaaday oo dhan, kuwaasoo doonayay inay kala baxaan maxaabiis xabsiga ku jira,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xukuumadda.

Sidoo kale, xukuumadda ayaa sheegtay in weerarka ay u adeegsadeen laba gaari oo kuwa miineysan ah iyo rag hubeysan oo xirnaa ciidamada dowladda oo weerar toos ah ku qaaday xarunta.

“Dowladda federaalka Soomaaliyeed waxay ugu bogaadinaysaa ciidamadii amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Dhanka kale waxay u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen ciidamadii ku dhintay weerarkaas,’ ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay warsaxafadeedka xukuumadda in dowladda Somalia ay si adag u cambaareynayso falalka argagixiso ee ay soo abaabushay Al-shabaab oo ah mid ku diidan tahay nabad iyo horumar ka socda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa si toos ah u sheegatay Al-shabaab, iyadoo afhayeenkooda uu sheegay inay gudaha u galeen xabsiga, balse ma aanu sheegin ujeedadii ay weerarkaas ka lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya