4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Doodda Fagaaraha oo ay Culummadu kaga hadleen Doorka Siyaasadda Dalka


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay dood cilmiyeedkii 13-aad ee Fagaaraha, kaas oo ay ka soo qeyb galeen cullimada Soomaaliyeed, isla markaana lagu falanqeeyay doorka culimada Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

Dooda waxaa wadaagay culimada kala ah Sheekh Maxamed Idris, Sheekh Xasan Jaamici, Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle, Sheekh Axmed Nuur iyo Sheekh C/weli Xaaji Maxamed.

Sadiq Warfaa oo ah aas-aasaha dood cilmiyeedka Fagaaraha oo isagu furay doodda ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid ay culimadu ku sahminayaan taariikhda urur diimeedka, culimada siyaasiyiinta ah iyo xiriirka diinta iyo siyaasadda, si shacabka soomaaliyeed loo fahansiiyo arrimo badan oo la xiriiro mowduucan, isagoo intaas ku daray in dooda Fagaaraha ay tahay goob lagu wada hadlo si loo helo is fahan iyo talo wadaag.

“Sabab aan leenahay ayay ku dhacday musiibadii wadanka ku habsatay, sidaa daraadeed waxaa looga bixi karaa 4 qodob oo kala ah; Towbad keen, kalsooni, hoggaan wanaagsan oo leh daacadnimo, geesinimo iyo aragti dheer  iyo xirfad xigmadeysan” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idris oo intaas ku daray.

“Shacabka Soomaaliyee waa dad 100% muslim ah, Soomaaliyana waa jamhuuriyad islaami ah culimadana in siyaasada bannaanka laga geeyo maahan, waayo waxay hore u soo qabteen iyo waxay qaban karaan waa la ogyahay, haddase waxaa la joogaa  xilligii laga wada shaqeyn lahaa sidii aan dalkeena nabad uga dhigi laheyn”.

Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada ku nool gobolka Minnesota ayaa sheegay in haddii aysan shacabka Soomaaliyeed ku qancin diinta islaamka iyo cullimadeeda ay adkaan doonto in xal la helo.

“Xalku waa Islaamka, culimadunu waxay qabteen wax badan oo muhiim u ah bulshada sida nooleynta  waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta qabaa’ilaadka,  iyo gurmadka xilliyada abaaraha iyo musiibooyinka” ayuu sharaxay Sheekh Xasan Jaamici isagoo sii raaciyay

“Xilligii Maxaakiimta ee billowgii 2006 waxay culimadu horkaceen ummada Soomaaliyeed, kaddibna waxay keeneen 3 arrimood oo dalka iyo dadka ka maqnaa, kuwaas oo kala ahaa Nabad, Caddaalad iyo Sinnaan, hase ahaatee wanaagaas ay culimadu keeneen waxaa bur-buriyay Itoobiya”

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar ayaa isna sheegay in Siyaasadda iyo culimada aan la kala saari karin.

“Nolosha oo dhan waxay ku jirtaa siyaadad iyo maamul, dalalka islaamka ahna siyaasadooda waxaa hor kici kara dadka cilmiga u leh diinta Islaamka waayo hirgalinta shareecada Islaamka waa dhowrista qofka naftiisa, diintiisa, sharafkiisa, caqligiisa iyo maalkiisa” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan.

“Culimada in la takooro maahan, waayo ma jirto sabab xukunka wadanka looga hor istaago shaqsi Soomaali ah oo waxbartay, diin leh, hoggaankiisuna fiican yahay, mana dhici karto in waxyaabaha ay Al-shabaab sameynayaan in lagu xukmiyo culimada Soomaaliyeed, waayo Shabaab iyaga ayaa laalay culimadii Soomaaliyeed oo dadka iyo dalka wax u tarayay”  ayuu ku nuux-nuuxsaday Sheekh C/raxmaan.

Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle oo ka yimid gobolka Ohio ayaa isna yiri. “Maahan Xaaraan in lagu biro urur ama xisbi diimeed ka shaqeynaya nabada iyo horumarka, siyaasadana Islaamka ayaa la yimid siyaasadda taariikhda Ummada Soomaaliyeedna waa diin, culimaduna qeybta ugu muhiimsan ayay ka ciyaarayaan mar kasta.”

Sheekh Aadan wuxuu dhinaca kale ku dheeraaday xumaanta ay leedahay qabyaaladdu, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qabyaaladu tahay mid liidata, loona baahanyahay in qof kasta oo Soomaali ah uu saxiixo inuu la dagaalamayo.

“Culimadu waxay u baahan yihiin inay hore u socdaan oo aysan ka daalin dadaalkooda xal u helista Soomaaliya iyo hoggaaminta dalka iyo dadka” ayuu yiri SHeekh Axmed Nuur oo isna ka mid ahaa culimadii dooda ka qeyb galay.

Waxaa isna ka hadlay Sheekh C/weli Xaaji Maxamed oo yiri “Lama joogo xilligii wadaadadu  ay masaajidada isku soo xiri lahaayeen, waayo cid uga haboon inay mustaqbalka umadda ka taliyaan ma jirto”

Mashaa’ikhda ayaa dhinaca kale tusaaleeyay inay caalamka dhib ku tahay in la helo dowlad islaami ah oo si dimoqraadiyada ah loo doortay ay in la helo, iyagoo tusaale u soo qaaday dhowr oo xisbiyo diineed iyo rag culimo ah  dalal ay madax ka noqdeen oo la af-gambiyay sida Masar oo kale.

Culimada ayaa ugu dambeyntii ka jawaabay dhowr su’aalood oo qaarkood la xiriireen heshiis laga sameeyo dowladda iyo Alsbahaab, waxayna sheegeen inay hore ugu fashilmeen, isla markaana dowladu ay weli diyaar u tahay, laakiin Al-shabaab ay caqabad ku yihiin.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota