4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Arday ka qalin-jabisay xarunta waxbarashada agoonta Degmada Laascanood


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Maamulka xarunta agoonta ee magaalada Laascaanood ayaa munaasabad u qabatay ardayda ka qalin-jabiyay xarunta, iyadoo ay ka qayb-galeen culummada gobolka Sool.

Ardaydan oo tiradoodu ahayd 35 ayaa guddoonsiiyay shahaadooyin kuwaa oo ka baxay falka sideedaad ee dugsiga dhexe, iyadoo abaal-marinno kale la guddoonsiiyay, kaddib markii ay soo bandhigeen waxyaabihii ay xarunta ka barteen.

Bandhigga ardaydan ay sameeyeen intii ay socotay munaasabadda ayaa ka yaabisay dadkii kasoo qaybgalay oo isugu jiray, waaliddiin iyo waxgarad ka tirsan kuwa gobolka Sool.

Mas’uuliyiinta xarunta agoonta ee gobolka Sool ayaa uga mahad-celiyay dhammaan intii ka gacanta ka geystay hirgelinta xaruntan oo ay hadda wax ka bartaan arday tiradoodu ku dhow dahay 1,000 arday oo wiilal iyo hablo isugu jira.

Ugu danbayn, masuuliinta maamulka xarunta ayaa sheegay inay dhawaan bulshada u furayaan machad diini ah habeenkii la dhigan doono, kaasoo ay sheegeen inay ka faa’iideysan karaan dadka xilliyada maalmihii mashquulka ku jira.

Xaruntan oo ka mid xarumaha ugu waa-weyn ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa wax lagu baraa agoonta, iyadoo sannad walba ay ka aflaxaan arday badan, kuwo kale oo cusubna ay ku biiraan.

Agoonta wax lagu baro xaruntan ayaa waxay ka kala yimaadaan gobollo ay ka mid yihiin, Sool, Sanaag iyo Cayn.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool