4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
FAAHFAAHIN: Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday godka Jilicow (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Faahfaahinno ayaa kasoo baxay weerar ay xoogag ka tirsan Al-shabaab maanta ku qaadeen xabsiga Godka Jilicow oo ah xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo saraakiil ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda ay sheegeen inay soo afjareen weerarkaas ayna ku dileen goobta dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Ciidanka nabadsugidda Somalia oo ay ku jiraan kuwo wajiyadu u xiran yihiin ayaa kula dagaalamay xabsiga xoogaggii weerarka qaaday oo ay u suurogashay in ay ka gudbaan koontaroolladii laga ilaalinayay xabsigaas.

“Dhammaan raggii weerarka soo qaaday waan tooganay, waxaana u soo bandhigi doonnaa maydadkooda warbaahinta,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa hay’adda nabadsugidda oo intaas ku daray in howlgalka lasoo af-jaray.

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa isugu jiray kuwo toos ha iyo qaraxyo ay fulinayeen xoogaggaas qaarkood, isagoo socday muddo saacad ah, waxaana iska-horimaadka ugu xooggan ee dhexmaray xoogaggan iyo ciidamadii kale ee dowladda uu ka dhacay gudaha xabsiga oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in shan ka mid ah kooxihii weerarkaas soo qaaday ay toogteen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ciidanka dowladda kasoo gaaray dagaalkaas.

Baabuurta gargaarka deg-degga ah ayaa la arkayay iyagoo gudaha u galaya xabsigaas, halkaasoo ay kasoo qaadeen dhaawacyo kala duwan, iyadoo uu weerarkan noqonaya mid ka mid ah kuwii ugu xooganaa ee Al-shabaab ay kusoo qaado xarumaha dowladda Soomaliya intii lagu jiray sannadkan.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa telefishinka Al-jazeera u sheegay in weerarka ay iyaga mas’uul ka yihiin ayna xoogaggoodu gudaha u galeen xabsiga.

Weerarrada noocan oo kale ah ee ay Al-shabaab k geysnayso Muqdisho ayaa ahaa sannadkan kuwo soo kordhayay, iyagoo laba jeer oo isku xigta weeraro noocan oo kale ku qaaday madaxtooyada iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya