4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Ciidanka Dowladda oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Shabeellada Dhexe

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo ay horay uga talinaysay Al-shabaab, iyadoo ciidamada AMISOM ay duqeeyeen halka lagu magacaabo Killiga Shiinaha oo dhinaca waqooyiga kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka.

Wariye ka tirsan kuwa la socda ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa u sheegay HOL in ciidamada dowladdu ay la wareegeen halka lagu magacaabo Dhiin-garas oo ku taalla waqooyiga gobolka Shabeellada Dhexe.

“Si rasmi ah ayay ciidamada dowladda iyo AMISOM ula wareegeen Dhiin-garas oo 40-km waqooyi kaga beegan Jowhar, sidoo kalena ciidamada dowladda AMISOM ayaa duqeyn u geystay halka lagu magacaabo Killiga Shiinaha oo ay ku sugnaayeen xoogag Al-shabaab ka tirsan,” ayuu yiri wariyaha u warramay HOL.

Ma jirin sida uu soo sheegayo wariyaha wax dagaal ah oo ku dhexmaray deegaanka la qabsaday Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah ee is-bahaysanaya.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo la socda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka la qabsaday ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay ku furaan waddada isku xirta Muqdisho iyo gobollada dhexe.

“Qorshaha howlgalkan laga leeyahay waa in Al-shabaab laga saaro meelaha ay kaga sugan tahay gobollada dalka, sidoo kalena waxaanu doonaynaa in aan furno jidka isku xira Muqdisho iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya si ay ugu sahlanaato xukuumadda inay gargaar gaarsiiso deegaannada ay hadda ka jiraan abaaraha,” ayuu yiri Jen. Khaliif.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in howlgalku uu sii socon doono oo ay maanta gaari doonaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia si uu howlgalkooda u noqdo mid miro-dhal ah.

Howlgalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay shalay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ay ku jirto Buulo-mareer.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya