4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Soomaaliya oo kaalinta hore kaga jirta dalal dhowr ah oo biyo yaraani ka jirto

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Asbuuca biyaha adduunka oo sanad walba la qabto ayaa waxaa markii ugu horeysay soo qaban-qaabiyay shirar looga tashanayo biyaha dunida machadka Stockholm International Water Institute (SIWI) sanadku markuu ahaa1991-dii.

Sanadkan waxaa shir socon doona ilaa shanta bisha sagaalaad ka soo qayb-galaya madax kala duwan oo adduunka ah .iyada oo diiradda lagu saari doono maaraynta biyaha iyo tamarta si looga gudbo caqadaha arimaha ka taagan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 1.2 bilyan oo ruux ay xiligan wajahayaan biyo yaraan daran ,waxaana la sii saadaaliyay in sanadka 2025-ta ay tirada intan ka sii badan doonto, isla markaana ay gaari doonto 1.8 bilyan oo ruux.

Wadamo ku yaalla Afrika ayaa la sheegay in dhibaatada  biyo la’aan-ta ahi ay ka jirto xiligan ,kuwaasi oo ay ku jiraan wadamada Somalia, Sudan, Niger iyo waliba Muratania ,waxaana ay u baahan-yihiin gar-gaar deg-deg ah sida lagu xusay war-hordhac oo shirkan laga so saaray.

Maamulka Puntland ayaa iclaamiyay maalmo ka hor in gar-gaar biyo  ay u baahan-yihiin dad ku nool 21 degmo oo maamulkaas hoos-yimaada, waxaana boyadaha biyaha la gaarsiiyay qaar kamid ah goobaha ay abaartu saamaysay.

Ugu danbayntii hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaliya ay qarka u saaran-tahay in mar kale ay macluul ka dilaacdo, sababo la xiriria xiliyadii roobka oo dib u dhacay awgeed.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]