4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Danjiraha Somalia ee Midowga Yurub oo HOL u Sharraxay Dacwadda Badda


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Belgium, danjire Cali Siciid Faqi ayaa maanta uga warramay HOL dacwaddii ay dowladda Somalia  u gudbisay maxkamadda QM ee ahayd muranka xuduudeedda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Faqi ayaa sheegay in sababta ay dowladda Soomaaliya tallaabada u qaadatay ay tahay iyadoo aanay jirin waddo kale looga leexdo, isagoo intaa ku daray in go’aankan uu yahay mid uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii lagu guul-darreystay in arrinta si siyaasadeed lagu dhameeyo.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay u aragtay dacwaddan inay ku jirto danta iyo badbaada Qaranka, Madaxweynuhuna go’aankii uu qaatay wuxuu ahaa inaan arrintan maxkamad lasoo aadno, waayo muddo dheer ayaa lagu jiray si qaab siyaasadeed loogu dhameeyo innagoo tixgelinayna darisnimada iyo saaxiibnimada nagala dhexeysa, runtiina dadaal badan ayaan gelinnay arrintan,” ayuu yiri danjire Fiqi.

Sidoo kale, danjire Faqi ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid xasaasi ah ayna tahay in shacabka Soomaaliyeed ay gartaan arrintan la isku hayso, taasoo ah in laba waddan oo kasta oo xuduudo leh ay kawada hadlaan; waana arrin uu qeexayo qodobbada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

“Xukuumadda Kenya waxay go’aan ku gaartay in heerkii caalamiga ahaa ee xuduudaha badda ay ka gudubto ayna gasho meel ka fog iyadoo aan kala tashan dowladda Somalia, midda kalena waa iyadoo shirkado badroolka baara qadaraasyo ku siiyaan inay goobahaas baaritaan ku sameeyaan,” ayuu yiri danjire Faqi.

Dajiraha ayaa xusay in go’aanka dacwaddan uu leeyahay madaxweyanha Soomaaliya ayna gudbiyeen maalintii Khamiista ahayd, ayna u gudbiyeen maxkamadda cadaaladda ee muranndan oo kale si ay go’aan uga gaarto.

Dhanka kale, danjiraha Somalia ee Midowga Yurub iyo waddanka Belgium ayaa sheegay inay dowladda Kenya go’aan ku gaartay inay howsheeda wadato, taasoo aanay ku jirin danta dalka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, danjiruhu ayaa sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in xuduudaha badda ee caalamiga la ixtiraamo, balse ay Kenya sheeganayso inay ku dhaqmayso xdka cusub ee ay iyadu sameysatay.

Mudane Cali Siciid Faqi ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay eegaan sharciyada ku saabsan xuduudaha badda, ayna iska dhaafaan wararka lagu daabacayo meelaha qaarkood, kuwaasoo lagu doonayo in lagu lumiyo fikirka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Hadalka danjire Cali Siciid ayaa imaanaya xilli lagu wado inuu maanta arrintan muranka dhalisay ka hadlo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud si uu u caddeeyo mowqifka dowladda Soomaaliya ay arrintan ka qaadatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya