4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay Maareynta Musiibooyinka oo la soo Xiray


Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Shalay gelinkii dambe ayaa hoteel Jaziira ee Muqdisho lagu soo gabgabeeyay aqoon-isweydaarsi looga hadlayay ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka ka dhaca dalalka Geeska Afrika ku yaalla kaasoo socday shan maalmood oo xiriir ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo soo gabagabeeyay aqoon-is-weydaarsigan ayaa sheegay in qabsoomiddiisa ay iska kaashadeen Jaamaacada Banaadir, Tulane University iyo hay’adda DRLA oo caalami ah, ujeeddadda laga lahaana ay ahayd sidii loo heli lahaa qorshe saldhig u noqda maareynta masiibooyinka Geeska Afrika.

“Aqoon-isweydaarsigan wuxuu ahaa mid heer gobol ah, waxaana  looga hadlay sida loo maareeyo musiibooyinka isla markaana bulshooyinka ay diyaar ugu noqdaan sidii ay uga gaashaaman lahaayeen, ugana soo kaban lahaayeen musiibooyinka,” ayuu yiri guddoomiyaha jaamacadda Banaadir.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa intaa ku daray in xubnaha ka qayb-galay aqoon-is-weydaarsigan ay ka kala yimaadeen dalalka Bariga Afrika sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Suudaan iyo gobolada dalka oo dhan, kuwaasoo isku jira aqoonyahanno ka shaqeeya Jaamacadaha gobolka, kuwa Somalia qaarkood iyo xirfadlayaal kale oo ku taqasusay la tacaalida musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha iyo dagaallada, isagoo xusay in muddadii koobayd ee uu socday lagu bartay heerka koowaad ee  dhisidda hoggaaminta iyo sida loo maareeyo musiibooyinka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa u hambalyeeyay ka qayb-galayaashii aqoon-is-weydaarsigan oo uu sheegay in muddadii uu socday ay si saraaxad leh uga doodeen maareynta musiibooyinka, isagoo u mahad-celiyey ha’yadihii suuro-geliyey qabsoomidiisa.

Xildhibaan Dufle oo oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsigan uu yahay kii ugu horreeyay noociisa ah ee dalka lagu qabto, isagoo hay’adaha soo qaban-qaabiyay iyo aqoon-yahannadii ka qayb-galayba ugu hamblayeeyay sida ay dadaalkooda uga mira-dhaliyeen.

“Soomaaliya waxay udub dhexaad u ahayd rubuc qarnigii u dambeeyay inay ka dhacaan musiibooyin isugu jira dagaalo, abaaro iyo kuwo kale, runtii guul ayay u tahay in lagu qabto aqoon-is-weydaarsigan looga hadlay maareynta masiibooyinka mahadaasna waxaa iska leh ILAAHAY ka sokow Jaamacadda Banaadir iyo hay’adihii kale ee ay la kaashatay oo dadaal badan muujiyay,” ayuu yiri Dufle.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda heshiis iskaashi oo waxbarashada ah ku kala saxiixday guddoomiyaha Jaamacada Banaadir iyo ma’suul ka socday Jaamacada sayniska iyo tiknolojiyada ee Suudaan oo ka mid ahaa xubnihii ka qayb-galayey aqoon-is-weydaarsigan, waxaana ma’suuliyiintani ay hadiyado ka koobnaa calanka Soomaaliya iyo qalabka hiddaha iyo dhaqanka guddoonsiiyeen dhammaan ka qayb-galayaashii aqoon-is-weydaarsigan oo iyana si weyn ugu farxay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya