4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Xoogag Al-shabaab ka tirsan oo weeraray xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Weerar xooggan ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab waxay ku qaadeen xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qarax xoogan uu weerarku ku billowday, kaasoo ka dhacay bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan oo u dhexeysay ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo xoogggii weerarka qaaday.

Saldhiggan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee ay nabadsugidda Somalia ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo ay ku xiran yihiin boqolaal ruux oo loo hasto dambiyo kala duwan.

Wararka qaarood ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, halkaasoo uu is-rasaaseyn ku dhex-marayso ciidanka nabadsugidda iyo xoogagga hubeysan.

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha xaruntaas oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu kusoo beegmay weerarkan xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumahooda waweyn.

Ma jirto illaa hadda xog laga hayo khasaaraha dhmashada ah ee goobtas ka dhacay, iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo weerarro is-xiga oo kooxda Al-shabaab ay ka geysanaysay Muqdisho tan iyo billowgii sanadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya