4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay go’doomisay Deegaanka Buulo-Mareer

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay go’doomiyeen deegaannadii shalay ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ay ku fashilmeen qorshahoodii ahaa inay goobo badan ka qabsadaan Al-shabaab.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa intaa ku daray in xoogaggooda ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan deegaannadii laga qabsaday shalay.

“Qorshuhu wuxuu ahaa saddex sano ka hor in deegaannadan la qabsado, bales waa lagu fashilmay, wadada xeebta ahna jab ayay kala kulantay AMISOM, dagaalladii shalay dhacayna khasaare xooggan ayaa loogu geystay, maydadkooduna waxay la galeen Buulo-mareer,” ayuu sheegay afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in markii hore ay jareen waddooyin isku xirta Buulo-mareer iyo Qoryooley, ciidammo badanna lagu diyaariyay dhanka xeebta, halkaasoo uu tilmaamay in dagaalo aanay fileyn AMISOM ay ku qabsadeen.

“Waxaan ka gubnay saddex gaari ay wateen ciidanka AMISOM, saraakiil sare ayaana uga dilnay, qalab casri ahna gacanta ayaan ku dhignay,” ayuu mar kale yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa intaa ku daray in dib ula wareegeen deegaanka Golweyn, isla markaana aysan gadaal u soo bixi karin ciidankii qabsaday Buulo Mareer oo aanay dhaawacyadooda kasoo saari karin Buulo-mareer.

“Ujeeddada cadawgu waxay ahayd inay qabsadaan laba magaalo, balse way ku fashilmeen, mujaahidiintuna waxay dib ula wareegeen Golweyn halkaas oo iyagoo daallan ay mareen, waxaana u sheegayaa inaan Buulo-mareer ka hareereynay jiho walba waxbana aan lagu faa’iidi doonin qabsashadeeda,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku goodiyay inay u gudbi doonaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, hlakasoo saldhig weyn u ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya