4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 31, 2014
Dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ka socda deegaanno ka tirsan Shabeellada Dhexe

Axad, Ogoosto 31, 2014 (HOL) — Dhaq dhaqaaqyo milateri ayaa xalay illaa maant ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasoo ay wadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo ciidanka ay gaareen deegaanno hor leh oo gobolkaas ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay inay ciidamadu gaaraan xuduuda u dhexeysa gobolalda Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, si ay isugu furaan jidka laamiga ah ee isku xira labadan gobol, iyadoo qorshahan lagu sheegay inuu yahay mid go’doonka looga qaadayo degmada Buulo-burde.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maalin ka hor ka ambabaxay Muqdisho, kuwaasoo ka gudbay gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana la socda abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Saraakiil u hadlay AMISOM ayaa sheegay in qorshahooda yahay in dhowrka casho ee soo socda ay la wareegi doonaan deegaanno gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ka tirsan ay la wareegaan.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa ka socda gobolka Hiiraan, halkaasoo tan iyo shalay laga dareemayay isbedellaada ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ka socda, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ay awood badan ku lahaayeen oo ku yaalla gobolka Shabeellad Hoose.

Wixiii warar ah ee kusoo kordha dhaqdhaqaaqyadan ciidan waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya