4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Col. Barre Hiiraale iyo Wasiirradii ku sugnaa Kismaayo oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Wafdigii wasiirrada xukuumadda ee uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Godax Barre iyo Col. Barre Hiiraale ayaa Muqdisho yimid gellinkii dambe ee maanta, kaddib markii xal laga gaaray khilaafaadkii ka taagnaa Jubbooyinka dibna loogu celiyay Kismaayo ciidankiisii uu hoggaaminayay Col. Barre Aadan Shire.

Goodax oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ku go’aanka uu qaatay Col. Barre Hiiraale ku tilmaamay mid wax weyn kusoo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubbooyinka.

“Waxaa geesi ah ninkii nabadda qaata, Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday maanta inuu qaato nabadda, markiisii horana nabad-diid ma uusan ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogayeeyay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah,” ayuu yiri wasiir arrimaha gudaha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaa billowday shaqo cusub, waxaa billowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubbooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii ka jiray deegaannadaas, waxaa farxad noo ah in xubnihii ra’iisul wasaaruhu u magacaabay deegaannadaas inay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii loo xil-saaray.”

Col. Barre Aadan ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu celiyay goobo loo cayimay oo Kismaayo ka tirsan, billow fiicanna ay u tahay dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

“Waxaan u mahad-celinayaa guddigii golaha wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ahaa ee Jubbooyinka iyagana ayaana la qaadannay go’aankii nabadeed ee ay noo keeneen, waxaan diyaar u nahay inaan dhamaystirno inta ka dhiman dib-u-heshiisiintu,” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Waftiga wasiirrada ah iyo Col. Barre ayaa waxay kulan la qaateen ra’iisul wasaare C/weli Shiikh Axmed iyagoo warbixin ka siiyay heerarkii uu soo martay wada-xaajoodkii lagu soo afmeeray in Col.Barre iyo ciidamadooda oo ku sugnaa deegaanka Goobweyn si nabad ah loogu celiyo Kismaayo.

"Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo si nabadgalyo ah ku wada-noolaada. Waqtigii dagaalku wuu dhamaaday," ayuu yiri C/weli oo xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta dalka iyo nabadeyntiisa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhan yahay iyo wadahadal nabadeed inuu yahay jidka kaliya ee xal waara ay ku gaari karto Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya