4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Jen. C/risaaq Khaliif: Howlgalladu waxay ka billaaban doonaan Gobollo kale

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ka hadlay weerarkii ay saaka ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayna ku qabsadeen Buulo-mareer oo ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellada Hoose isagoo ku tilmaamay mid qorsheysnaa uuna sii socon doono.

Jen. Khlaiif ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buulo Mareer, haatanna ay ku wajahan yihiin deegaanno cusub oo gobolkaas ka tirsan, wuxuuna xusay in howlgalkan uu ka socdo gobollo badan.

“Saaka waxay kanaalladii biyaha kusoo fureen bannaanka deegaanka Buulo-mareer si aan looga gudbin, balse ciidamadeenna ma hakin biyahaas, ciidamaduna waxay si buuxda ula wareegeen deegaankaas, haddana deegaanno hor leh ayay ku wajahan, cid hortaaganna ma jirto,” ayuu yiri Jen. Khaliif.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka ayaa xusay in howlgalladan ay ka socdaan gobollo kale oo qaybo ka mid ah ay Al-shabaab ku sugan tahay, kuwaasoo uu ka xusay Bakool, Bay, Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

“Gobolka Shabeellada dhexe waxaa ka socda abaabul, goor-dhowna meelo hor leh ayay ciidamadu gaari doonaan,” ayuu hadalkiisa ku daray, wuxuuna sheegay in howlgalladan ay noqon doonaan kuwo lagu guuleysto, deegaanno badanna looga saaro Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga kama uusan hadal khasaaraha kasoo gaaray dhankooda dagaalladii saaka ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena kama uusan hadal khasaaraha ay Al-shabaab u geysteen.

Balse guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in 11 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ay ku dileen weerarkii ay ku qabsadeen Golweyn iyo Buulo-mareer, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyagana laga dhaawacay laba askari.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin deegaannada gobolkaas ka tirsan ee looga qabsaday dagaalladii maanta dhacay iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo xoogag ka tirsan kooxda ay isku dayayaan inay dib u riixaan ciidanka  dowladda iyo kuwa AMISOM ee is-garabsanaya.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay maanta qabsadeen deegaanno ay gobolka Shabeellada Hoose kaga sugnayd Al-shabaab, iyadoo ciidammo kale oo kuwa AMISOM ay ku baxeen dhinaca xeebta kuwaasoo doonaya inay qabsadaan Baraawe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya