4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Kenya oo Maalin kasta lagu dilo hal Askari iyadoo sanadkan la dilay boqollaal

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Warbixin lagu soo daabacday maanta wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in maalin walba hal askari oo booliis ah lagu dilo gudaha Kenya, taasoo keentay in buuq dhinaca ammaanka Kenya ay dhalisay.

In ka badan 200 oo saraakiil oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa la sheegay in sannadkan 2014-ka oo kale lagu dilay gudaha dalkaas, halka la dhaawacay 100 sarkaal oo kale, kaddib weerarro gaadmo ah oo ay la beegsadeen kooxo hubeysan.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in cel-celis ahaan maalin walba lagu dilo dalka Kenya hal sarkaal oo booliiska dalkaas ka tirsan, taasoo muujinaysa heerka amni-darrada iyo dambiyadu ay ka gaareen Kenya, xilli ay weerarro joogto ah ku hayaan dalkaas xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay ku kacaan xadgudubyo dhinaca xuquuqul insaanka ah iyo musuqmaasuq, iyadoo laga soo xigtay khuburo sare oo Kenyan ah in tani lumiso kalsoonidii lagu qabay booliiska.

Dadka Kenya ayaa horay ugu muuqday inay booliiska ula dhaqmaan sidii qof saaxiibkood oo kale ah, balse taasi way soo af-jarantay sannadihii lasoo gudubnay, kaddib markii ay ku kaceen saraakiisha booliisku falal isugu jira inay lacago laaluush ah weydiistaan dadka ay howlgallada kusoo qabtaan, dilal joogto ah iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya oo ay ku jiraan kuwo la dhaawacay ayaa u sheegay wargeysa The Standard inay xaalad cabsi iyo lacag la’aan ah ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena aanay helin wax magdhow ah haddii dhibaato gaarto.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Amos Bore oo 32-jir ah ayaa sheegay inay xusuustiisii uu waayay kaddib markii looga dhuftay madax wax adag, xilli ay ku raad-joogeen kooxo dambiilayaal ah, isagoo intaas ku daray in dhakhtarkiisa uu u sheegay in dhaawac weyn uu ka gaaray maskaxda ayna muddo qaadanayso inuu bogsado, sidoo kalena wuxuu ii sheegay dhakhtarka inuu dhaawac iga gaaray neerfaha madaxa ee dhinaca midig xiga oo ay dhici karto inaan indhaha beelo, welibana waxaa la iga jabiyay ilig, ayuu hadalkiisa raaciyay askarigan.

Sarkaal kale oo lagu magacaabo, Mutan Adow oo ka mid askarta ka howlgala saldhigga booliiska baarlamaanka dalka Kenya ayaa ku waayay mid ka mid ah gacmihiisa markii lasoo weeraray xilli ay howshooda ku gudo jireen.

“Waxaan xirtaa dharka caadiga ah ee shacabku qaataan, dadkuna si fudud kuma ogaan karaan inay gacanteyda bidix iga go’an tahay. Markaan qof u sheego inaan ahayn sarkaal booliis ah oo gacanteydu go’an tahay markiiba qofku wuu baqayaa,” ayuu yiri Adow oo ah aabbe leh laba carruur ah.

Madaxa booliiska dambiyada baara ee Mombasa, Ndumba Thangarani ayaa sheegay mar uu hadlayay toddobaadkii hore inay toogteen kooxo burcad ah ayna dhaawc halis ah u geysteen, isagoo xusay in tirade saraakiisha la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ka badan karaan tirade hadda la hayo.

Inkastoo saraakiisha booliiska Kenya ee la dhaawaco ay ka cabanayaan in aysan helin xuquuqihii ay waajibaadka u lahaayeen ayaa waxaa arrintan ka hadlay taliyaha kormeeraha guud ee booliiska Kenya, Jen. David Kimaiyo oo sheegay in adeegga loo fidiyo askarta dhaawacma uusan lahayn miisaaniyad loogu talo-galay, wuxuuna intaas ku daray in askari walba oo dhaawcma ay siiyaan lacag gaaraysa 56,000 oo lacagta Kenya ah, taasoo uu ku sheegay in ay tahay magdhow.

“Waa dhab… ma haysanno miisaaniyad nagu filan oo magow ahaan loo siiyo askariga dhaawacmay, si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dadaalaynaa inay helaan saraakiisheenna dhaqaale ku filan oo amnigooda iyo caafimaadkooda ah,” ayuu yiri Kimaiyo.

Ugu dambeyn, Kimaiyo ayaa sheegay qayb walba oo dowladda ka tirsan ay leedahay guddi magdhow, iyagoo qiimeyn ku sameyn doona dhibaatada loo geystay ruuxa dhaawacmay iyo xilliga uu isbitaalka ka bixi karo, faylkaas waxaa loo gudbiyaa wasaaradda maaliyadda, waxaana dib u baaraya guddi kale oo wasaaradda ah, markaas kaddib ayaana magdhowga la siiyaa dhaawaca.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya