4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
CUKUSE: Wadahadalladii u socday Somaliland iyo Somalia waa la dhaawacay

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Somaliland ayaa maanta si cad ugu  eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka qaybgashay shirkii lagu waday inuu ka dhaco Saaxdheer ee la doonayay in lagu caleemo-saaro, Cali Khaliif Galeydh oo loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa warfidiyeenka maanta ugu sheegay magaalada Hargeysa in arrintaas ay dhaawacday wadahadalladii laga dhex-waday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Maanta waxaan shirkeyga jaraa’id ku sheegayaa inuu dhaawac gaaray wada-hadalladii nagala dhexeeya dowladda Soomaaliya, waxayna taasi ku timid faragelin ay dowladdaasi ku sameysay deegaannada Somaliland,” ayuu ku yiri Cukuse shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku in dowladda Somalia ay weerar dhanka warbaahinta ah kusoo qaaday Somaliland isagoo wasiirka warbaahinta dowladda federaalka Somalia ku eedeeyay inuu jeediyay dhowr jeer warbixinno uu ku maagayaan Somaliland.

“Wasiirka warfaafinta Soomaaliya waa markii sadexaad oo uu sheego hadal uu ugu gafayo Somalialnd, wuxuuna inta badan beegsadaan waxyaabaha ka dhaca  gudaha Somaliland. Waxaa kaloo kasii daran in dowladdu ay xildhibaanno u soo dirtay shir aan sharci ahayn oo ka dhacay Saaxdheer oo ahaa mid doonayay in lagu wiiqayo ammaanka iyo xasilloonida Somaliland,” ayuu mar kale yiri Cukuse.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaanu garannay in markii arrinta Saaxdheer uu ka hadlay wasiirkooda warfaafinta iyo weerarkii ay Somaliland ku qaaday deegaankaas inay tahay mid ay isla qabaan madaxda Soomaaliya oo dhan.”

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa mar kale sheegay in wadahadalladii ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ay dhaawacmeen, balse si cad uma sheegin inay burbureen, waxaana uu sheegay in sababtu ay tahay faragelinta ay dowladda Somalia ku sameysay Somaliland.

Cukuse oo ka hadlayay bayaankii shalay kasoo baxay xubno ka tirsan beesha caalamka ee Somaliland loogu baaqay inay ciidamada ka saarto Saaxdheer ayaa xusay inaanay jirin ciidammo ay dal kale geeyeen, deegaankaasuna uu ka mid yahay kuwa Somaliland.

“Ma jirto cid aan kala tashanayno sugidda amniga deegaannada Somaliland, sidoo kalena ma jirto cid aan kala tashanayno inay ciidamadeennu halkaas joogayaan iyo in laga soo saarayo. Waxaana filayaa in qolada bayaanka soo saartay ay howshii loo diray ahayd inay Soomaaliya dajiyaan, balse aysan qayb ka noqon colaadaha laga hurinayo deegaannada nabdoon ee Somaliland,” ayuu yiri Cukuse.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay safar deg-deg ahaa oo ay wasiirrada arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda Somaliland ay shalay ugu ambabaxeen dalka Itoobiya, isgaoo sheegay in ujeeddadu tahay sidii Itoobiya oo ay daris yihiin loogala hadli lahaa xubnaha Khaatumo ee haatan ku sugan gudaha Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya