4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Dhaq-dhaqaaqyo Milateri oo ka taagan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Ciidammada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM oo kasoo ka ruqaansaday degmooyinka Jowhar iyo Buula-burte ayaa ku sii jeeda deegaanno ay gobollka Hiiraan ka maamusho Xarakada Al-shabaab.

Ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo saacadihii hore ee shalay kasoo dhaq-dhaqaaqay  gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin; Fiidoow, Jinbiley iyo Buur-weyn oo dhamantood ku teedsan wadada laamiga xiriirisa degmooyinka Buul-burte iyo Jowhar.

Wararka dhinaca kale naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi  oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cabsi weyn soo food saartay dadka rayidka ah kaddib markii ay ka war helleen in ay ku wajahan yihiin ciidammo ka tagay degmada Buula-burte oo qorshuhu yahay in ay la wareegaan degmada.

Saraakiisha qeybta ka howlgalka qaarkood oo aan la xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in saacadaha soo socda la rajeynayo in leysku furo wadada xiriirsa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Dhaq-dhaqaaqa militari iyo gulufka dagaal oo ay waddaan ciidamada is-baheysanaya ayaa siddoo kale waxaa ay ka soconayaan magaalada Beledweyne oo la diyaarinayo gadiid xamuul ah oo sidda raashin gaargaar ah loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ku dhibaateysan degmada Buula-burte, waxaana gargaarka la sii marin doonaa wadada laamiga ee isku xirta Beledweyne iyo Buula-burte taasoo macnaheedu noqonayo in ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegayaan saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin deegaannada u dhaxeeya labada magaalo.

Guud ahaan marka aad eegto dhaq-dhaqaaqyada militari ee xiligan ka jira gobolka Hiiraan ayaa la oran karaa waa mid qeyb ka ah howlgalka dowladda ugu magacdartay India Ocean  [Bad-weyne Hidiya] ee la qorsheynayo in lagula wareego deegaanno Al-shabaab ay ka maamulaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Degmada Jalalaqsi ayaa hadda ah degmada kale ee ku harsan gacanta Al-shabaab marka la eego gobolka Hiiraan oo afarta degmo ee soo hartay dowladda maamusho.

C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya