4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Rag ku eedeysnaa dilkii Wariye Tima-cadde oo dil Toogasho ah lagu Xukumay

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in dil-toogasho ah lagu xukamay xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo horey u dilay wariye ka howl-galayay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Labadan ruux si cad ayey ugu bareereen dilalka ,waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, muddo ayayna maxkamddu dacwaddooda  dhagaysanaysay,” ayuu yiri wasiirka oo arintan ka hadlayay.

Dilka wariyaha ay gaysteen labadan ruux ayaa la sheegay inuu ahaa; Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo Tv-ga Universal uga soo warami jiray magaalada Muqdisho ,kaasi oo la toogtay  bishii tobanaad ee sanadkii hore.

Waxaa wariyaha dhowr xabadood looga dhuftay luqunta iyo xabadka, taasoo keentay in uu geeriyoodo ,iyadoo si lamid ah kooxaha dilka fuliyay ay isla goobta ku dileen ruux kale oo oo laamaha amniga ka tirsanaa.

Raggan la xukumay ayaa lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada dowladda ka sameysay magaalada Muqdisho ,kaasi oo qayb-ka ahaa hub ka dhigis lagu samaynayay qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyadii hore .

Ugu danbayntii warbaahinta Somaliya ayaa dhibaatoyin kala duwan kala kulanta kooxaha islaamiyiinta ah iyo waliba dowladda Somalia, iyadoo inta badan jir-dil iyo xarigba la isugu daro qaar kamid ah wariyayaasha ka howl-gala gudaha dalka oo dhan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]