4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay eedeysayaal ka tirsan Al-shabaab

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil ah ku ridday toddoba ruux oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaasoo ay horay maxkamaddu xukun ugu ridday.

Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida, C/llaahi Maxamed Muuse (Kayse) ayaa sheegay in toddobada ruux ee dilka lagu xukumay oo dhammaantood rag ahaa ay isku-dayeen inay la wareegaan maamulka guud ee xabsiga dhexe ee Muqdisho.

“Maxkamaddu markii ay ogaatay dhammaan eedeysanayaasha oo Al-shabaab ka tirsan ay maxkamadu dambiyo ay galeen awgeed horay xukunno ugu ridday, waxayna isku dayeen inay la wareegaan maamulka xabsiga dhexe iyagoo u adeegaya ururka nabad-diidka ah ee Al-shabaab,” ayuu warbaahinta u sheegay Keyse.

Sidoo kale, afhayeenka wuxuu xusay in maxkamadda ay u caddaatay inay ku yihiin khatar ammaanka guud ee dalka ayna galeen dambigii lagu soo eedeeyay, sidaa daraadeedna ay maxkamaddu ku xukuntay dhammaantood xukun dil ah.

“Maxkamadda waxay raggan ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo xukunkii horay loogu ridayna uu ahaa dil toogash ah,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu warbaahinta u akhriyay magacyada toddoba ruux ee maanta ay maxkamaddu ku ridday dilka toogasho,  kuwaasoo kala ah:

1. Farxaan Maxamed Cismaan
2. Xasan Faarax Jiinoow
3. C/kaafi Xasan Sheekh Maxamuud
4. Maxamed Khadar Xuseen
5. C/raxmaan Daahir Faarax
6. C/qaadir Aweys Cumar
7. Faarax Aadan Dhoomeey

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horaantii bishaan xukunno dil ahaa ku ridday 20-ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu eedeeyay inay gudaha xabsiga dhexe ku dileen askari maxbuus ahaan ugu xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya