4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
C/QAADIR SIIDII: Ciidamada huwanta ah waxay la wareegeen Buulo-mareer


Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen goor-dhow  deegaanka Buulo-mareer oo ka mid ahaa saldhigyaada ugu waaweyn ee Al-shabaab ay ku lahayd gobolka Shabeellada Hoose.

Siidii oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in ciidanka huwanta ah ay kasoo billaabeen  howlgalkooda degmada Qoryooleey iyo deegaanno ku dhow-dhow ayna ku guuleysteen inay Al-shabaab kala wareegaan deegaanno muhiim u ahaa Al-shabaab sida Golweyn, Buulo-mareer iyo deegaannada u dhexeeya.

“Weerarkan wuxuu qayb ka yahay wajiga labaad ee howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan inay dalka oo dhan uga saaraan Al-shabaab, gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ka mid yahay goobaha laga saarayo kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Siidii.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in in ciidamadu ay iska cabbin xooggan kala kulmeen xoogagga Al-shabaab, isagoo xusay in dagaalka ay ku dhinteen 11 ka mid ah xogagga Al-shabaab, dhinaca dowladda iyo ciidanka AMISOM ay iyaguna kaga dhawacmeen dagaalka laba askari.

“Howlgalku wuxuu billowday xalay gellinkii dambe, kaasoo loogu – Badweynta Hindiya – loogu magac-daray, waana mid ka dhan ah Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox dhibaato ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, guddoomiyaha Shabeellada Hoose ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay u careen dhinaca degmada Baraawe ee isla gobolka, isagoo intaas ku daray in ciidamaduna aysan joogsan doonin illaa inta ay ka gaarayaan Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay Shabeellada Hoose ku leedahay.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa walaalaha ah ee AMISOM waxay dibadda uga sii baxeen Buulo-mareer 5-km, waxayna ku wajahan yihiin degmada Baraawe,” ayuu intaas ku daray guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa iyaduna guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo aan ka hadlin welin qabsashada deegaannada Golweyn iyo Buulo-mareer oo ahaa kuwo ay awood badan ku lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow Buulo-mareer ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan weli gudaha u gelin oo ay ku sugan yihiin duleedka deegaankaas.

Dadweynihii ku noolaa Buulo-mareer ayaa dhammaantood halkaas isaga baxay, iyadoo xilligan aysan jirin cid ku sugan, waxaana dagaalkan uu kusoo beegmayaa xilli madaxda dowladda iyo AMISOM ay sheegeen inay wadaan qorshayaal dalka oo dhan looga saarayo Al-snabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya