4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 30, 2014
Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiiyay gaadiidka lagula dagaalamo dabka

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa toban ka mid ah gaadiidka lagula dagaalamo dabka ku wareejiyay xafiiska UN-ka u xil-saaran taakuleynta ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal lagu caawinayo dowladda Somalia, waxaana deeqdan la wareegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Siciid Jaamac Qoorsheel.

“Waxaa loogu talogalay gaadiidkan in lagula dagalaamo dabka qaar ka mid ahna la gaarsiiyo gobollada dalka,” ayaa lagu sheegay warbixin ku saabsan habka loo isticmaalayo gaadiidkan oo laga jeediyay xafladdii wareejinta gaadiidkan.

Saciid Qoorsheel ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka helaan deeqdan oo kale xafiiska taakuleynta AMISOM ee Qaramad Midoobay, wuxuuna sheegay in gaadiidkan uu wax-tar weyn u leeyahay Soomaaliya.

Agaasimaha xafiiska taakuleynta AMISOM, Amadu Kamara oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada gaadiidkan loo keenay Somalia ay tahay in lagu dhameystiro adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

“Waanu sii wadi doonnaa kaalmooyinka noocan oo kale ah oo ah kuwo wax-tar weyn u leh bulshada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray, Kamara oo xusay in deeqdan ay tahay tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay ugu deeqaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay deeq noocan oo kale ah uga heshay dalka Britain, iyadoo gaadiidkii damb-damiska ahaa ee London laga keenay ay ka mid yihiin gaadiidka la dagaalama dabka ka kaca Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya