4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Qaramada Midoobay oo ka digtay in mar kale ay Somalia ka dillaacdo Macluul


Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii macluul Somalia ka dilaacda looga hortegi lahaa, ayna bixiyaan dhaqaalihii lagu badbaadin lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ka jiraan.

Isku-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Soomaaliya, Phillippe Lazzarinni ayaa toddobaadkan sheegay in Somalia ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacdo abaar la mid ah tii saddex sano ka hor ka dilaacday, taasoo dishay 260,000 oo qof.

“Sannado ka hor markii ay dhammaatay macluushii Soomaaliya, waxaanu sheegnay inaan sameynayno dadaallo aysan dib ugu soo laaban, balse tii mid la mid ah ayaa hadda noo muuqata,” ayuu Lazzaranni yiri.

Wuxuu intaas ku daray. “Inay adag tahay in la aqbalo ama la caddeeyo sida ay xaaladdu noqon doonto marka la eego dhibaatada baaxadda weyn ee ka jirta gobollada Soomaaliya qaarkood.”

Deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa u ballanqaaday Somalia balaayiin doollar si dib loogu dhiso dalka, kaddib labaatameeyo sano oo colaado ah, balse ma jirto wax horumar ah oo laga sameeyay arrintaas, iyadoo ay weli caqabado adag jiraan, inkastoo ay dalka ku sugan yihiin ciidanka AMISOM oo tiradoodu tahay 22,000 oo askari si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya.

Lazzarinni ayaa ka dalbaday dalalka deeqaha bixiya in qayb ka mid ah lacag Somalia loogu deeqay shirkii Brussels ee 2013-ka oo gaaraysa 2.5 bilyan loogu isticmaalo xaaladaha bani’aadamnimo ee Somalia ka taagan.

“Haddii aynu doonayno inaan dhidibbada u taagno nabadda iyo haddii aynu doonayno in aan ka fogaanno musiibo cusub oo la mid ah middii saddex sano ka hor laga soo gudbay, waxaan u baahannahay in hadda la qaado tallaabooyin looga hortago middan,” ayuu hadalkiisa ku daray Lazzarini.

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa inay digniino hordhac ah ka bixiso xaaladaha dhanka ban'aadamnimo ee Soomaaliya kusoo wajahan, kaddib markii lagu eedeeyay inaysan wax digniino ah ka bixin macluushii Soomaaliya ku dhufatay sannadkii 2011, iyadoo la sheegay inay ku guul-darreysteen inay gartaan calaamadihii macluushaas.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in xaalad nafaqo-darro oo naxdin leh ay Muqdisho ku hayso 350,000 oo qof oo barakacayaal ah, iyadoo xustay in hay’adaha gargaarka aysan awood badan u lahayn inay wax ka qabtaan dhaqaale la’aan haysata awgeed.

“Hay’adaha samafalku kama howlgeli karaan deegaannada miyiga ah ee ay ka jirto abaaraha, gargaarna ma geyn karaan meelaha ay abaaruhu halista ku hayaan,” ayuu yiri Lazzarinni oo sabab uga dhigay inay weli Al-shabaab ku gadaaman tahay.

Sidoo kale, Lazzarinni wuxuu sheegay in deegaannadii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sannadkan kala wareegeen Al-shabaab in kooxdu ay go’doomin ku hayso, taas oo keentay in qiimaha cunnadu uu sare u kac ku yimaado.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xilli dhowr ay billaabi doonaan weerarradii ka dhanka ahaa Al-shabaab si ay uga saaraan deegaannada weli gacantooda ku jira.

Ugu dambeyn, Lazzarinni ayaa ka dalbaday AMISOM iyo dowldda Soomaaliya in howl-galladoodan cusub ay ku xalliyaan dhibaatada ah inaanay jirin jidad la mariyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan deegaannada ay abaaraha darani ka taagan yihiin.

“Haddii aan howshan la qaban waxaa sii socon doonta in shacabka u baahan gargaarka la awoodi waayo in la gaarsiiyo,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday isku-xiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadamnimo ee dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya