4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Booliiska Kenya oo sheegay in dilal ka dhacay Mombasa ay fulisay Al-shabaab

Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay in afar qof oo Keenyaan ah oo toogasho ku dilay sannadkan laba haween ah oo dalxiisyaal ahaa ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Haweenkan la toogtay ayaa u kala dhashay Jarmalka iyo Ruushka ayaa lagu dilay Mombasa lala xilli oo kala duwan, iyadoo dilalkooda ay geysteen kooxo ku hubeysan bastoolado oo baxsaday.

“Afarta qof ee dilka haweenkan geystay waa Keenyaan, balse waxay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana ogaannay inay tababar kusoo qaateen  gudaha Somalia,” ayuu yiri Sevilino Kubai oo ah caawiyaha guddoomiyaha magaalo xeebeedda Mombasa.

Kubai ayaa intaas ku daray in raggan laga shakisan yahay ay yihiin kuwa ka dambeeya falalka argagaxiso ee ka dhaca deegaannada xeebta ah ee Kenya, waxayna qorsheynayaan weerarro kale oo ay geystaan.

“Waxaanu ogaannay inay ahaayeen raggii toogtay haweeneydii Jarmalka ahayd iyo tii Ruushka ahayd ee lagu toogtay Mombasa xilli ay dalxiis ahaan u yimaadeen magaalada,” ayuu hadalkiisa ku daray Kubai.

Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu intaas ku daray in taliyaha booliiska Mombasa, Geoffrey Mayek iyo sarkaal kale oo booliis ah ay isku dayeen inay afartaas qof toogasho ku dilaan, balse ay ku guuldarreysteen.

Ugu dambeyn, Kubai wuxuu sheegay in afartan qof ay qorsheynayaan inay argagax cusub geliyaan shacabka ku nool magaalada Mombasa ee waddanka Kenya, booliiskuna uu ku howlan yahay sidii ay u soo qaban lahaayeen.

Magaalada Mombasa iyo deegaannada kale ee xeebta dalka Kenya ku yaalla ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro sababay khasaare nafeed, kuwaa oo lagu dilay dad isugu jiray ciidammo, shacab iyo dalxiisayaal reer galbeed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya