4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Uhuru oo booliska gobolka weydiistay iskaashi looga hortagayo Argagaxisada


Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa madaxda booliiska dalalka Bariga Afrika weydiistay inay badiyaan iskhaashiga dhinaca sirdoonka ah si looga hortago khatarta ay ku hayaan kooxaha argagaxisada ah amniga gobolka.

Uhuru ayaa sheegay in argagaxisadu ay tahay khatarta ugu weyn ee haysata Bariga Afrika isagoo ka hadlayay furitaanka ee shir sannadeedkii ururka iskaashiga booliiska Bariga Afrika (EAPCCO) oo ka furmay Mombasa, isagoo intaas raaciyay in maslaxadda shacabka gobolku ay ku jirto in la iska kaashado ka hotagga kooxahan.

"Amnigeennu wuxuu ku jirtaa inaan xoojinno iskaashiga sir-ururinta iyo barnaamijyadii aan isku waafaqnay oo aan fulinno," ayuu Kenya yiri, isagoo intaas ku daray. "Arrimaha tafaasiisha u baahan waa in si taxadar leh looga wada-shaqeeyo amniga gobolka, taasina waxay ku imaan kartaa inaan muujinno midnimo iyo isku xirnaan."

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday dalalka ku jira EAPCCO inay is-waafajiyaan sharciyadooda si wada-shaqeyntu u hagaagto, isagoo ballan-qaaday in dalkiisu hagaajinayo iskaashiga gobolka iyo dib u habayn lagu sameeyo hay'adaha dawliga ah.

Wuxuu sidoo kale xusay in ugaarsiga lagu hayo duur-joogta iyo tahriibinta sharci-darrada ah ee la xiriirta faan maroodiga ayaa qayb ka ah waxyaabaha xoojin kara khataro ka yimaada argagixisada taasoo uu xusy inay u baahan tahay in laga sameeyo iskaashi buuxa.

"Dhamaanteen waxaa waajib nagu ah in waxyaabaha soo wajihi kara gobolka aanu walaac gaar ah ka qabno. Argagixisada caalamiga ah ayaa khatar ku ah bulshadeenna," ayuu mar kale yiri madaxweynaha dalka Kenya.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Argagaxisadu waxay wadahadal iyo heshiis ka doorteen dagaal, waxayna diideen wax walba oo bulshadeenna aasaasi u ah, kuwaasoo ay ka mid tahay dimuqraadiyada, waxayna sharci ka dhigteen inay dadka laayaan; waayo ma ogola in qofka bani’aadamka ah la ixtiraamo."

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya iyadoo dalkiisu uu la kulmayay sannadihii lasoo dhaafay weerarro is-daba-joog ah oo ay kooxda Al-shabaab ku qaadaysay, kuwaasoo lagu dilay dad aad u fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya