4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka Warbixiyay safarro uu dibadda ku tagay


Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo shacab.

Mudane C/weli Sheekh oo faahfaahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qayb-galay shirar muhiim u ah Soomaaliya, looga hadlayay arrimaha qaxootiga Soomaaliya oo ay kasoo qayb galeen dalalka ay Qaxootigu degen yihiin, isagoo xusay inuu booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo hoy u ah nus malyuun qoxooti Soomaali ah.

“Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa waxaan uga qayb-galnay shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga oo ay kasoo qayb-galeen dalalka marti galiyay qaxootiga Soomaaliya, waxayna ballan-qaadeen inay dalalkooda sii joogi doonaan qaxootiga inta waqtigu saamaxayo in si iskood ah dalkood ugu noqdaan,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray. “Waxaan booqday xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuur-galnay xaaladdaha ay ku sugan yihiin dadkeennu. Runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’an tahay inay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan.”

Ugu dambeyn, C/weli wuxuu sheegay in Addis Ababa uu uga qayb-galay shir ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD shirkaasoo looga hadlay sidii lagu joojin lahaa colaadda dabada-dheeraatay ee ka taagan dalka Koonfurta Suudaan, kuwaasoo u dhexeeya madaxweyne ku xigeenkii hore iyo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya