4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in ay ka xun tahay Weerarkii Saax-dheer

Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerarkii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in la joojiyo colaadaha iyo dhiigga daadanaya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey mowqofka dowladda federaalka ee ku aaddan weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay weerarkii hubeysanaa ee ka dhacay deegaanka Saaxdheer, kaasoo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Sidoo kale, wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri. “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado wax walba oo colaadda sii hurinaya. Dowladdu waxay aamminsan tahay inay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin inay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in dadkii lagu qabtay Saax-dheer lasii daayo xuriyaddoodana loosoo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isku soo dhawaanshaha.”

Wasiirka ayaan hadalkiisa ku sheegin in ciidamada laga saaro deegaankaas oo shalay ay la wareegeen ciidamada Somaliland, halka warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka lagu sheegay in si dhaqso ah ciidamada hubeysan looga saaro deegaanka Saaxdheer.

“Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgalyo, xasillooni iyo horumar taasoo ku imaan karta is-xaq-dhowrka, is-faham iyo wadahadalna lagu xalliyo wixii is af-garanwaa ah ee jira,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in sababtii ay u weerartay tuulada Saaxdheer ay ahayd iyadoo hub laga keenay Muqdisho iyo Kismaayo halkaa la geeyay, taasoo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah maamulkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya