4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Beesha Caalamka oo ku baaqday in ciidamada laga saaro Tuulada Saaxdheer

Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty, ergayga Qaramada Midoobay Somalia, Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub ee Somalia, Michel Cervoned'Urso ayaa walaac ka muujiyay ciidamada hubaysan ee la geeyay tuulada Saaxdheer  ee gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidamada hubaysan deegaanka Saaxdheer iyo in si dhaqso ah loo daayo maxaabiista la hayso. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan qaybaha inay ka waantoobaan rabshado iyo inay sameeyaan dadaal wadajir ah si loo dajiyo xaaladda, looguna xalliyo khilaafka wadahadal nabadeed. Dhammaan qaybaha waa inay si deg-deg ah u sameeyaan dadaalo muujinaya doonis dhab oo ku aaddan abuuritaanka xaalad daganaansho oo ka dhacda gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay wadajir u soo saareen mas’uuliyiintan.

Sidoo kale, wakiilladan ayaa ku boorinayay maamulka Somaliland iyo dadka daggan gobolka ee ay xaaladahan saameyeen u horseedaan wado nabadeed oo wax dhisaysa si meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay inay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha inay xeer-jajab ku raadinayaan nabadda iyo in laga shaqeeyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka.

Baaqan ayaa kusoo beegamaya xilli ciidamada Somaliland weli gacanta ku hayaan tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool oo ay shalay kala wareegeen maamulka Khaatumo, waxaana tani ay noqonaysaa markii labaad oo ay beesha caalamku sidan oo kale uga hadasho xaaladaha ka taagan gobolka Sool.

Gobolka Sool ayaa waxaa tan iyo markii uu dalku galay colaadaha sokeeye uu ahaa mid ay ku muran yihiin maamullada dalka ka jira qaarkood, iyadoo maamul walba uu sheeganayo inuu hoos-yimaado maamulkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya