4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
GALEYDH: Annagu Nabad baanu rabnaa mana Ogolaanayno xukun khasab ah


Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Dr. Cali Khaliif Galeydh oo isaga iyo xubno maamulkiisa ka tirsan shalay ka baxsadeen tuulada Saaxdheer oo la doonayay in lagu caleemo-saaro kaddib weerar ay ku qaadeen ciidamada Somalialand ayaa ka hadlay markii ugu horreysay dagaalkaas.

Dr. Galeydh ayaa sheegay inay kusoo duuleen ciidammo ka amar-qaata Somaliland, isagoo xusay in lagu tuntay xuquuqdooda loona diiddan yahay dadka dega gobolka Sool in ay ka tashadaan aayahooda oo ay maamul sameystaan.

“Dad bani’aadam ah ayaanu nahy... dad muslim ah ayaynu nahay... waxaynu nahay dad leh xuquuq ay dunida oo dhan wada qirsan tahay; oo ay u taagan tahay xukuumadda Xamar ka dhisan… marka waxa dadka lagu dilayo laguna xirayo waa ha shirina… ha tashanina… maamul aad leedihiinna ha sameysanina,” ayuu yiri Galeydh.

Sidoo kale, Cali Khaliif ayaa sheegay in cadaawadda dadka lagu laynayo aysan ahayn mid ka socota shacabka Somaliland ku nool, balse ay tahay mid maamulka Somaliland uu ku kali yahahy.

“Annagu haddaan Khaatumo nahayd nabad gudahayaga ah ayaanu rabaa... dib u heshiisiin gudahayaga ah ayaanu rabnaa… waxaana doonaynaa inaan si nabad ah kula noolaanno maamullada dariska nala ah ee Somaliland iyo Puntland,” ayuu mar Galeydh hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay inaysan yeelayn maamul aysan iyagu ka raali ahayn inuu xukummo. “Cid aan ka yeelayno khasab baan idin xukumaynaa ma jirto waanuna diidnay; mana ogolaanayno intii ay rabto ha nagu qaadatee.”

Galeydh oo aan sheegin halka uu ku sugan yahay, ayaa wararku waxay sheegayaa in isaga iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ay haatan joogaan deegaanno ka tirsan dhulka ay ka taliso Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya halkaasoo uu shalay u baxsaday, waxaana weli xiisadi ay ka taagan tahay deegaanka Saaxdheer oo weli gacanta ugu jira ciidamada Somaliland.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayay 20-qof oo shacab ay ku jiraan ku dhinteen, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen tiro soddomeeyo qof kor u dhaafaysa.

Taliyaha ciidamada milateriga Somaliland, Jen. Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa sheegay in sababtii ay shalay u weerareen tuulada Saaxdheer ay ahayd iyadoo lagu soo xad-gudbay sida uu yiri deegaannada ay Somaliland ka taliso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya