4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 29, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo furtay idaacad si gaar ah ugu shaqeyn doonta


Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay ka hirgeliyay Muqdisho idaacad gaar ah oo baahin doonta waxqabadka maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa xarigga ka jaray idaacaddan oo lagu magacaabo idaacadda codka caasimadda.

Xafladii firitaanka idaacaddan oo habeennimadii xalay ahayd lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir  ayaa waxaa ka qeybgalay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo xubno kale.

Muun-gaab ayaa sheegay in ujeedadda loo furay idaacaddan ay tahay inay ka qayb-qaadato wacyigelinta bulshada gobolka, nabadda iyo baahinta wax-qabadka maamulka gobolka.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa ku boorriyay shaqaalaha Idaacadda inay muujiyaan howl-karnimo iyo waddaniyad, isagoo ka hadlay muhiimada ay idaacadani u leedahay maamulka iyo bulshaweynta gobolka Banaadir.

Idacadan oo FM ah ayaa kasoo galaysa mowjadda 98.0, iyadoo baahin doonta barnaamijyo iyo wararka wax-qabadka maamulka gobolka Banaadir, waana markii ugu horreysay oo maamulka gobolka Banaadir uu sameyso idaacad u gaar ah.

Furitaanka idaacaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bilk a hor Muqdisho laga furay idaacad gaar ah oo ku hadli doona codka ciidamada xoogga dalka, taasoo laga hirgeliyay gudaha xarunta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya