Wasiirka arrimaha bulshada Jubba oo Maanta dhagax-dhigay Maktabad cusub
Sabti, 23 Agoosto, 2014 (HOL) :- Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xaruntii hore ee duqa magaalada Kismaayo, taasoo maamulka Jubba uu u asteeyay in laga dhigo Maktabad, islamarkaana maanta si rasmi ah loogu bilaabay howlo dib u dhis ah.
Xaruntan oo burbursanayd mudo aad u dheer ayaa waxa loo qorsheeyay in laga dhigo maktabad iyo weliba goob lagu barto farsamooyinka casriga ah sida Kumbuyuutarrada, waxaana xafladdii furitaanka kasoo qeybgalay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax Darwiish, wasiirka arimaha bulshada Macalim Max'ed Ibraahim iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay C/rashiid Max'ed Cali oo ah maamulaha hay'adda SFS (Somali Family Service) oo ah hay'adda dib u dhiska ku sameeyneeyso xaruntan, waxa uuna sheegay in dib u dhis iyo qalabeyn ay ku sameyn doonaan xaruntan, islamarkaana ay ka hirgelin doonaan Maktabad weyn, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay keeni doonaan Kumbuyuutarro si ay uga faa'iideysato bulshada.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax Darwiish oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maktabaddan ay muhiim u tahay dadka wax baranaya, maadama aysan gobolka ka jirin wax maktabad ah oo laga helo buugaagta aqoonta.
Gabagabadii wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max'ed Ibraahim ayaa dhagaxdhigay xaruntan dib u dhiska lagu sameeynayo, isagoo sheegay in ay tahay talaabo hore loo qaaday, wuxuuna ugu baaqay dadka u dhashay deegaanada Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan arimaha horumarka deegaanadooda.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayay horumar dhanka dhismaha ah, iyadoo dayactir lagu sameeyay xarumo muhiim u ahaa adeegyada bulshada, waxaana ay arintani muujineeysaa sida bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ay uga soo kabaneeyso dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeyay ee dalka soo maray.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Dibadbax Cabasho ah oo ka dhacay Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan
- Wasiirka diinta iyo owqaafta iyo xubno Wasiiro ah oo booqday Xabsiga dhexe
- Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay ka hortagto askareynta carruurta
- Cabasho xooggan oo ka taagan dhakhli ururinta Dowladda dhexe & tan hoose
- Muhaajiriin Afrikaan ah oo dooni kula dagtay badda u dhaxeeya Libya & Italy
- Odayaasha gobolka Hiiraan oo sheegay inaysan caqabad ku ahayn Federaalka
- Dowladda Imaaraadka Carabta oo ciidamo u tababaraysa dowladda Somalia
- Duqa Magaalada Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Maayarka Jabuuti (SAWIRRO)
- Kooxda Kubadda Cagta ee Xiddigaha Ottawa oo lagu soo dhaweeyey Ottawa
- Ugaas Maxamed Sh. C/qaadir (Ugaas Shoole) oo Nairobi lagu soo dhaweeyay
- Madaxweynaha Kenya oo Taliye Cusub u Magacaabay Sirdoonka Waddankiisa
- Booliiska Kenya oo sheegay in qof ay qabteen bishan uu noqday Xasan Xanafi
- Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo qabsaday Tiyeegloow iyo Tuulooyin kale
- Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka oo Siminnaar loogu soo Xiray Kampala