4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Safiirka Imaaraadka Carabta oo ka Warbixiyay Socdaal uu ku tagay Kismaayo


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-Cuthmaani ayaa ka warbixiyay maanta safar ay ku tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay kula soo kulmeen mas’uuliyiinta maamulka oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Jubba, Axmed Madoobe.

Wafida danjiraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Kismaayo kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.

Safiirka ayaa sheegay in markii ay ka dageen garoonka loo qaaday gudaha magaalada, ayna kulammmo la qaateen madaxda sare ee maamulka Jubba, kuwaasoo ay kala hadleen arrimo ku saabsan horumarinta gobolladaas.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo kobcaha dhaqaalaha ee Soomaaliya, waxaana kulankaas ka jeediyay hadallo kala duwan wafdiga Imaaraadka iyo mas’uuliyiinta Jubba.

Danjiraha Imaaradka Carabta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo hooska ka xariiqay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan; ayna dhawaan gobollada Jubbooyinka ka billaabi doonaan mashaariic horumarineed.

“Qorshaha waxaa noogu jira in dhawaan mashaariic horumarineed aynu ka billowno Jubbooyinka, maadaama gobolladan ay yihiin kuwo dhul-beereed ah oo wax-soo-saarka ku wanaagsan,” ayuu yiri dajiraha imaaraadka oo maanta kusoo laabtay Muqdisho.

Madaxwaynaha Jubba, Axmed Madoobe ayaa uga mahad-celiyay wafdiga Imaaraadka socdaalkooda ay Kismaayo ku yimaadeen, isagoo tilmaamay inay yihiin waftigii Carbeed ee ugu horreeyay muddo 20-sano ah oo safar ku yimaada gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa ku amaanay Imaaraadka Carabta doorkooda caawinta shacabka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta iyo dib-dhiska oo ay ka wadaan qaybo badan oo Somalia ka mid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya