4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Kenya oo Xadeynaysa Isticmaalka Qaadka oo ay ku Tilmaameen Maandooriye


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Hay’adda dowladda Kenya u qaabilsan la dagaalanka maandooriyaha ee Nacada ayaa sheegtay inay diyaarinayaan sharci lagu xadidadyo cunista Qaadka, iyadoo sheegtay in dadku ay cuni karaan laga billaabo 5:00 galabnimo illaa 10:00 fiidnimo, iyadoo qofkii intaa ka badan isticmaala lala tiigsan doono sharciga.

Guddoomiyaha hay’adda, Mohamed Fazul ayaa qiray in qaadka ay ku jiraan laba maaddo oo maandooriye ah oo si weyn u saameeya maskaxda qofka, isagoo xusay in waqtiga isticmaalka qaadka la yareyn doono.

Afhayeenka guddiga ganacsatada qaadka, Kimanthi Munjuri ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in la xakameeyo waqtiga isticmaalka qaadka, wuxuuna sabab uga dhigay in qaadka laga joojiyay dalka Ingiriiska, iyadoo dadka ku nool ee Soomaalida ah ay si xad-dhaaf ah u isticmaali jireen iyo inaan loo sameyn isticmaalkiisa waqti go’an.

Sidoo kale, Munjuri ayaa sheegay in dadka isticmaala qaadka ay intooda badan waqti badan ku bixiyaan cunistiisa, isagoo intaas raacliyay in dadkaas qaarkood ay qaadka la isticmaalaan maandooriyayaal kale sida xashiishka.

Xildhibaan Omar Mwinyi oo ka tirsan baarlmaanka Kenya ayaa isna sheegay in go’aanka hay’adda ee la dagaalanka maandooriyaha qaadka uusan ahayn mid ku filan ka hor-tagidda dhibaatada qaadka, isagoo soo jeediyey in gabi ahaanba la mamnuuco.

Dhanka kale, mudanahan ayaa xusay in qaadka uu burburiyay qoysas badan oo muslimiin ah, dhibaato xoogganna uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed iyo muslimiinta fara badan.

Soomaaliya oo qaad fara badan uu yimaado maalin walba ayaa wuxuu kaga yimaadaa dalka Kenya oo haatan qorsheynaysa inay xadeyso xilliga cunista qaadka, iyadoo tani ay tusaale u tahay inuu dhibaato ku hayo qaadka dalal badan oo caalamka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya