4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqday Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab (SAWIRRO)


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wel Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku jireen, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, qunsulka ahna ku simaha danjiraha Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, xildhibaanno, guddmoomiyaha arrimaha qoxootiga Kenya, safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, madax ka socotay hay’ada UNHCR iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka ayaa booqasho ku tagay maanta xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Waftiga ayaa booqday xarumaha caafimaadka, waxbarashada, iyagoo intaa kaddib kulan guud oo uu la qaatay guddiyo ay iska soo dhex magacaabeen qoxootiga ku jira xeryahan oo tiradoodu ka badan tahay nus-malyuun qof.

Guddoomiyah arrimaha Qoxootiga Kenya, Haron Kamen ayaa xaqiijiay inay Dowladda Kenaya marnaba doonayn in qoxootiga Soomaaliyeed ay si qasab ah dalkooda ugu celiso.

‘Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo, waxaana ka dhexeeya xariir amni, mid ganacsi iyo mid siyaasadeed. Heshiiskii seddex geesoodka ahaa wuxuu ku saleysnaa geeddi socodka dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool, meelna uguma qornayn heshiiskaas in qaxootigan qasab lagu celiyo. Waxaan kaloo aan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inay jiraan qaxooti fara badan oo duruuftii adkaa ee isugu jirtay nolol xumada iyo niyad xumada ay u saamaxday inay wax ku bartaan halkan, illaa heer jaamacadeedna ay ku gaaraan, qaar ayaa dalkooda dib ugu noqday iyagoo ka qayb-qaadanaya dib u dhiska iyo hormarinta bulshadooda,” ayuu yiri Kamen. Isagoo xusay inay dhawaan Somalia booqan doonaan guddi ka kooban saxiixayaashii heshiiskii dib u celinta qoxootiga, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaaladda dalka.

Ra’iisul wasaare C/weli ayaa dhankiisa caddeeyay in Kenya ay u muujisay qoxootiga Soomaaliyeed dulqaad badan, haddana heshiiskii shirkii ka dhacay Addis-Ababa iyo heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ay si cad ugu qeexeen ka soo qayb-galayaasha shirkaas in qoxootiga tirada badan ee jooga dalalkooda aan si qasab ah lagu celinaynin dalkooda.

“Safarkan aan ku nimid saakay Dhadhaab ahmiyad weyn ayuu noo leeyahay, wuxuuna daba-socdaa shir aan ku tagnay Addis Ababa, shirkaas waxaa ka soo qayb-galay dalalka marti-geliyay qoxootiga Soomaaliyeed, waxayna noo ballan-qaadeen inay sii hayn doonaan qoxootiga inta duruuftu saamaxayso in dalkooda ay ku laabtaan. Ma jiro qof jecel inuu noloshiisa ku dhamaysto qoxootinmo, dadka ku jira xeryahan waxay sii marayaan jiilkii sadexaad, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arrinta qoxootiga Soomaaliyeed. Aniga iyo xukuumaddeyda oo kaashanaya madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaan dadaal u galaynaa sidii aan qaxootiga dib ugu soo celin lahayn dalka, maxaa yeel waa xoog ka maqan dalka oo wax badan kusoo kordhin lahaa,” ayuu C/weli ku sheegay hadal uu ka jeediyay xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

Guddi ka socday saddexda xero oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa ayaa uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, sidoo kalena waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay arkaan madaxdii Somalia oo ugu timid inay wax ka ogaadaan nolosha ay ku sugan yihiin.

“Waan uga mahad-celinaynaa ra’iisul wasaaraha oo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo madax ka noqda Soomaaliya oo garta in dad ka maqan yahay, 24-sano ayaan joognay halkan welina madax ka socota Soomaaliya nooma imaan. Adiga iyo xukuumadaada waxaan ka sugaynaa inaad dalka xasilisaan. 70% qoxootigu waa dhalliyaro u baahan in mustaqbal wanaagsan iyo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan loo abuuro, tusaale ahaan xeryaha qaxootiga waxaan imid anigoo afar sano jir ah, waxaan hadda haystaa labo carur ah, waxaana ka mid noqday guddi xeryaha ka baxay oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxaan booqanay iskuullada, waxaana noo muuqatay in manhajka waxbarasho ee dalku uu yahay mid isku dhex-yaacsan. Waxaan dowaladda ka codsanaynaa inay soo celiyaan adeegyada bulshada si dadku dib ugu noqdaan dalkooda,” ayay tiri Faadumo oo ku hadlaysay magaca guddiga xeryaha Dhadhaab.

Ugu dambayn, ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhaweeyay tallooyinka ay soo jeediyeen guddiga ka socday xeryaha, isagoona sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad siinayso arrimaha qoxootiga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya