4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeelada dhexe oo maanta gaaray Jowhar


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada dhexe, Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guud-laawe) oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolkaas.

Xubnaha wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada, waxaana ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay Cabdi Jiinow Calasow oo xilkan laga qaaday, guddoomiyaha Jowhar, Maxamed Cismaan Xaaji iyo dadweyne ka mid ah kuwa degmadaas ku nool.

Wafdiga guddoomiyaha cusub ee gobolka ayaa sii maray degmooyin ay ka mid tahay Balcad, halkaasoo uu kula kulmay maamulka degmada iyo qaar ka mid ah shacabka dadweyne.

Degmada Jowhar ayaa waxaa xilligan ka socota qabanqaabada xaflad xil-wareejin ah, taasoo uu xilka ku wareejinayo guddoomiyihii hore ee gobolka Cabdi Jiinow Calasow.

Amniga degmada ayaa la adkeeyay iyadoo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee degmadaas ay ku sugan yihiin ciidammo booliis ah, iyadoo uu noqonayo guddoomiyihii labaad oo loo magacaabo gobolka Shabeellada dhexe tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ay la wareegtay qaybo gobolkaas ka tirsan.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan xilkan u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada Dhexe, Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya