4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Cabdi Qaybdiid iyo C/weli Gaas oo hadalo kulul isku dhaafsaday Warbaahinta

Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland inuu doonayo inuu dhibaato hore leh ka abuuro gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Jen. Qeybdiid ayaa sheegay in C/wali Gaas uusan doonayn in dadka ku nool gobollada dhexe ay maamul sameystaan, isla markaana uu doonayo inuu ka abuuro deegaannadooda dagaal iyo dhibaato cusub.

“Gaas ma rabo in dadka gobollada dhexe ay maamul sameystaan, midda uu doonayo waa inuu abuuro dhibaato cusub iyo dagaal ka dhaca gobollada dhexe,” ayuu yiri Jen. Qeybdiid oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa isuguna sheegay in hadalkii kasoo yeeray Jen. Cabdi Qeybdiid markii la saxiixayay heshiiskii ay dowladdu iyo maamullada ka jira gobollada dhexe qaarkood ku heshiiyeen in la sameeyo maamul mideysan uu ahaa gar-darro garab og.

“Qeybdiid markii uu lahaa fad ama fadin waa lagu fadsiin, hadalkiisu wuxuu ahaa gardaro garab og,” ayuu yiri C/weli Gaas oo sheegay in maamulkiisa uusan raalli ka ahayn in deegaanno ka tirsan kuwa uu maamulo lagu soo daro maamulkaas.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda dhexe ee Somalia, kaddib dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay ku xad-gudubtay dastuurka dalka u yaalla ayna iska horkeento maamullada dalka ka jira.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa sidoo kale sheegay dhawaan inay diyaar u yihiin wadahadallo ay la furaan dowladda si khilaafka jira meesha looga saaro, balse aysan jirin wax gor-gortan oo ay ka galayaan deegaannada Puntland.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa daris ah, iyagoo labada dhinac ee u qaybsan tahay magaalada Galkacyo ka kala taliya, lamana oga saameynta ay ku yeelan doonaan deggenaashaha degmadaas hadallada ay warbaahinta isku dhaafsanayaan Gaas iyo Qaybdiid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya