4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Abaaro ka jira Gobollo ka Tirsan Puntland iyo Maamulka oo Gargaar Dalbaday

Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka codsaday hay’adaha caalamiga ah in ay u soo gurmadaan kumaanaan ruux oo ay saamaysay abaar daran oo gobolka ku dhufatay ,sida lagu sheegay war-mutiyeed dowladda ka soo baxay.

Wasaaradda arimaha gudaha Puntland iyo hay’adda Hadma ayaa si wadjir ah u sheegay  in abaartan ay waxeeyeello daran gaarsiisay dad xool dhaqoto u badan ,isla markaan loo baahan-yahay gurmad deg-deg ah.

Goobaha laga soo sheegay abaartan waxaa ku jira gobollada: Gardafuul, Sanaag, Nugaal, Karkaar iyo waliba gobolka Bari ,iyadoo degmooyinka laga dayrinayo ay ku jiraan Jariiban,Saaxo iyo Towfiiq.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in 350,000 oo qof oo isugu jira xoolo-dhaqato, dadka tuulooyinka iyo barakacayaasha ay ku jiraan xaalad abaareed oo daran una baahan in laga jawaabo.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa ku baaqay in la diyaariyo xarumo caafimaad iyo dawooyin lagu daryeelo dadka ku nool degmooyinka sida aadka ah aaburuhu u saameeyeen ,isagoo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada wax haysata in ay caawiyaan walaalahoda kale.

Ugu danbayntii abaartan gobolka ku dhufatay ayaa loo sababaynayaa xilli roobaadkii uu dib u dhacay ,waxaana sii kordhaysa cabsidda laga qabo in xaaladda ay sii adkaato hadii aan gar-gaar la gaarsiin dadka dhibaataysan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]