4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Gobolka Minnesota oo Aqoonsaday Saddex Ruux oo Soomaali ah [SAWIRRO]


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa abaal marin guddoonsiisay sadax qof oo soomaali ah, taas oo ay ku mutaysteen wax ka qabashada caafimaadka iyo wacyi galinta bulshada.

Shir ay is kugu yimadeen guddi ka kooban wasaarada iyo xubno ka tirsan jaaliyadda  Soomaaliyeed oo bishiiba mar la qabto, laguna magaacabo ka talinta caafimaadka bulshada soomaaliyeed ayaa lagu gudoonsiiyay sadaxdan qof oo kala ahaa Alaha U Naxariistee Abdiraxmaan Adam, Dr Cismaan Axmed Xaraare Iyo Siyad Said Saalax

Marxuum Cabdiraxmaan Aadam oo Geeriyooday dhammaadkii bishii ramadaan ayaa ahaa shaqsi u dhaqdhaqaaqi jiray arrimaha caafimaadka Iyo waxbrashada wuxuuna ka mid ahaa gudigan, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi qiimo ugu fadhiyay gobolka iyo bulshada ku nool.

Cabdiraxmaan Waxaa u gudoomay Abaalmarinta saaxiibkii Saciid Garaad oo mudo sagaal sano ah ay ka wada shaqeenayeen Waaxda Waxbarashada Minneapolis.

Dr. Cismaan waxuu ahaa Dhaqaatiirtii soomaaliya wuxuuna hada madax ka yahay hayada East Health Project isagoo si iskaa wax u qabso ah ugu shaqeeya dad ka Soomaaliyeed wuxuu fariistaa xarun ku taal Magaalada Minneapolis, wuxuuna bulshada inta badan siiyaa talooyin muhiim ah, kuwaas oo ku aadan horumarinta caafimaadkooda, gaar ahaan sida daawooyinka loo isticmaalo, la socoshada iyo cabirka dhiigga, nafaqada iyo cuntooyinka.

Sida ay HOL u sheegtay Sara Cute oo  ka tirsan waaxda caafimaadka ee gobolka wuxuu Siyaad Saalax qeyb muhiim ah ka qaataa tayaynta caafimaadka bulshada Soomaaliyee ee Minnesota, wuxuuna barnaamijyo muhiim u ah bulshada ku gudbiyaa aaladda warbaahinta, sida Hiiraan Online, Somali Channel iyo Somali TV oo laga daawayo magaalooyinka mataanaha ah.

Asli Ashkir oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha caafimaadka ee gobolka ayaa qirtay in sadaxdan shaqsi ay u aqlmaan abaal marinta, ayna tahay arrin lagu farxo in la dadka nuucan oo kale ah ee bulshada u adeega in loo mahadceliyo lana aqoonsado.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota