4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2014
Ardayda Jaamacadda Banaadir oo loo furay Wajigii Labaad Siminaar u Socday


Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Ardayda kulliyadda Ingineerinka iyo tiknolojiyada ee Jaamacada Banaadir ayaa siminnaar socon doona muddo 10 cisho ah waxaa looga furay xarunta Jaamacadda ee Muqdisho.

Siminnaarkan oo ah wejigii labaad ee seminaarrada xiliga fasaxa (Summer Seminars) ee Jaamacaddu u qabato ardayda kulliyadda Ingineerinka ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jaamacadda Banaadir, qaar ka mid ah hormuudyada kulliyadaha iyo macallimiinta wax ka dhiga Jaamacadda, waaliddiin mas’uuliyiin ka socotay jaamacada Makerere iyo marti sharaf kale.

Waxaa ka hadlay munaasabadda hormuudka kuliyadda Ingineerinka iyo Tiknolojiyada ee Jaamacada Banaadir, Maxamed Xuseen Caadil oo sheegay in tababarradan ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyay qaybaha uu ka kooban yahay wejiga labaad ee siminnaarkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa ugu hambayeeyay ardayda kulliyadda Ingineering sida wanaagsan ee ay uga faa’iideysanayaan siminnaarada ay Jaamacadu ugu talo-gashay xilliga fasaxa, isagoo xusay in aqoonta Injineer-nimada ay tahay aqoonta ugu fiican ee mudan la barto.

“Markaan sidaas leeyahay aniga waxaan ahay dhakhtar, waxaan idin sheegayaa in dhaqaatiirta laftigooda ay yihiin Injineeradii dadka, waxay ka shaqeeyaan dadka sidii looga dhisi lahaa dhinaca caafimaadka, waxaana rabnaa wixii hadda ka billowdo inaan wada ogaano dhammaanteen inaan nahay Injineero,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

Dr. Dalmar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay horumarin lahaayeen kulliyadda Ingineering-ka, wuxuuna xusay in jaamacada Makerere oo ah Jaamacadda koowaad ee Qaaradda Afrika ay ka haystaan ballan-qaadyo arrintaas ku saabsan ayna toddobaadyada soo socda soo diri doonaan macallimiin Ingineering-ka ku taqasusay, kuwaasoo manhajka kulliyadda dib eegis ku sameynaya, macallimiinta kulliyaddana ka caawin doona sidii xirfadooda macalimo sare loogu qaadi lahaa iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay, Salim Kenyawi oo Jaaamacada Makerere u qaabilsan xiriirka jaamacada Banaadir, isagoo ballan-qaaday inay ardayda Injineering-ka ka caawin doonaan is-dhaafsiga xirfadaha aqoonta iyo gacan-siinta ardayda la timaada hal-abuurka, isagoo xusay in dhawaan ay dalka imaan doonaan macallimiin ka socda kulliyada Injineering ee Jaamacadda Makerere.

Waxaa sidoo kale khudbado jeediyay madaxa Jaamacadda Banaadir u qaabilsan xiriirka Jaamacada Makerere, Maxamed Cismaan, Sayid Cali Cabdulle Canshuur oo ka socday shirkada EMECO, madaxa shirkadda Sollar Generators C/llaahi Ismaaciil oo qalab kooban iyo dukumiintiga ugu deeqay kuliyadda Injineering iyo xubno kale.

Ing. Maxamed C/qaadir maamulaha shirkadda Horyaal Instraction Combany ayaa si gaar ah Jaamacada Banaadir ugu amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii ay u soo saari lahayd aqoonyahanno kala duwan oo dalkooda iyo dadkooda wax tara.

“Taariikh ahaan haddii aan dib u laabto waxaan ku jirnay burbur muddo rubuc qarni ah, intii uu burburkaas socday ma jirin wax Injineero ah oo baxayay, waxaana aad u adkaatay in dalka laga helo Ingineer buuxa, jaamacada Banaadir waxay ahayd jaamacaddii ugu horreysay ee isku dayday inay kaalintaas buuxiso weyna ku guuleysatay aad beyna ugu mahadsan tahay,” ayuu yiri Ing. Maxamed C/qaadir.

Maamulka Jaamacada Banaadir ayaa ku howlan sidii siminaarro loogu furi lahaa xiligan fasaxa ah ardayda wax ka barata jaamacada si aqoontooda sare loogu qaado, waxaana illaa hadda seminaradaas ka faaiideystay ardayda kuliyadaha caafimaadka iyo Injineering-ka, iyadoo kuliyadaha kale ee jaamacada la filayo in seminaaro kuwaasoo kale ah loo furo todobaadyada soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya