4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 22, 2014
Howlgallo ka socda Degmada Huriwaa kaddib markii lagu dilay Taliye Ciidan

Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka wada saaka howlgallo baaritanano ah degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir kaddib markii xalay qarax lagu dilay mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada.

Taliyaha la dilay oo ahaa ku xigeenka nabadsugidda degmada Huriwaa oo lagu magacaabi jiray, Axmed C/raxmaan ayaa waxay kooxo hubeysan ku dileen qarax, taasoo keentay in maanta baaritaanno la sameeyo.

Xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah SOS, Ex-koontarool balcad iyo Suuqa Xoolaha, iyadoo ciidamadu ay dad badan ku qabqabteen howlgalladaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada ay baaritaanno ku sameynayaan meel walba oo deegaanka ka mid ah.

“Dad badan ayaa la qabqbtay, intooda badan waa dhallinyaro,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku nool xaafaddaas oo warbaahinta la hadashay, balse ma jiraan wax saraakiil ah oo weli ka hadlay baaritaannada maanta ka socda degmada Huriwaa.

Waxay ka mid tahay degmadan degmooyinka gobolka Banaadir ee ay inta badan ka dhacaan falalka dilalka ah ee ay geystaan kooxaha hubeysan, inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay dilka sarkaalka.

Howlgalladan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada amnigu ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir baaritanno ay ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu xoojinayo ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya