4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Wasiiradda Haweenka oo Tababar u soo Xirtay boqol Haween ah (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Wasiirada haweenka iyo xuquuqul insaanka Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta soo xirtay tababbar u socday 100 haween ah oo ka kala socday 20 Ururo haween ka dhisan magaalada Muqdisho, iyadoo tababarka uu saddex maalmood ah u socday haweenkan.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta waxbarashada ee CED ayna maalgelisay hay’adda UNDEF, kaasoo ahaa mid lagu awood-siinayay haweenka iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen, iyadoo ay casharrada ka bixinayeen macalimiin taqasus u leh xuquuqul insaanka.

Haweenkii ka qaybgalayay tababarkan ayaa la barayay arrimo aasaas u ah haweenka, sida inay ka qayb-galaan siyaasadda iyo sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen, waxaana waxyaabihii ay barteen u gudbin doonaan bulshada inteeda kale.

Madaxda haweenka ee ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ku ammaanay CED inay u istaagtay sidii haweenka ay u fahamsiin lahyd, xuquuqdooda, waxna u baran lahaayeen, isla markaana loo xoojin lahaa.

Sahro Cumar Maallin, Sacdiyo Cismaan Geeddi iyo Dahabo Sh. Maxamuud oo ka hadlay xafladda xiritaanka ayaa aad ugu dheeraaday kaalinta dumarku ay ku leeyihiin bulshada, balse ay ragga xaqiraan, iyagoo ku tilmaamay tababarkan mid sare u qaadaya awoodda iyo waxbarashada haweenka iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen hogaanka bulshada iyo siyaasadda.

Ku simaha guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ahna ku xigeenka ururka, Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in markii u horreysay ay tahay oo 20 ururo haween ah oo min shan xubnood ah tababar loo qabto, taasoo ay ku tilmaantay mid macno u siin doono in haweenku ay siyaasadda ay ka qayb-qaataan, waxayna u mahadcelisay hay'adda CED inay sare u qaaddo aqoonta haweenka iyo sidii ay xuquuqdooda u raadsan lahaayeen.

Agaasimaha haya’dda CED Inj. C/llaahi Cali Xasan ayaa barnaamijkan ku tilmaamay awood-siinta haweenka, isagoo xusay in Hay'adda UNDEF ay la fulisay barnaamijkan oo ay ka qayb-galayaan 20-urur haween oo si toos ah ula shaqeyn doona hay'adda.

"Barmaamij ujeeddadiisu waa awood-siinta dumarka magaciisa waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa Power waxaa magacaas u doorannay in haweenku awood yeeshaan, runtii waa mid aanu u dooranay inuu wax ka tari doono arrimaha haweenka Soomaaliyeed," ayuu yiri Inj. C/llaahi Cali.

Sidoo kale, Injineerku wuxuu sheegay in hay’ada CED ay markii u horreysay howl la fulinayso UNDEF, maadaama ay horay hay'adda kale oo Qaramaada Midoobay ah ay howlo sidan oo kale ah lasoo qabteen.

Isagoo sii hadlalaya ayuu xusay in tababarkan uu yahay kii u horreeyay kaas oo qaybtiisan ay 100 haween ah wax ku bareen, isla markaana ay jirayaan qaybo kale, si mustaqbalka aan u gaarsiinno tababarrada noocan oo kale ah inay mar qura qaataan 1,000 dumar ah.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Isnaanka xukuumadda Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba-gabadii ka hadashay xiritaanka tababarkaan ayaa sheegtay in barnaamijkan uu yahay mid aad u ballaaran oo haweenka lagu awood-siinayo, isla markaana waxyaabaha badan oo xuquuqdooda ah lagu raadinayo.

"Waa branaamij aad u weyn oo ujeedkiisu yahay in haweenka lagu awood-siiyo, si ay waxyaabaha badan oo noloshooda ka maqan u heli lahaayeen. Waana mid diiradda lagu saaray qaabkii lagu awood-siin lahaa haweenka ama ay u raadsan lahaayeen xuquuqahooda ka qaybgalka siyaasadda, xagga bulshada iyo dhaqaalaha," ayay tiri Khadiijo oo hay'adaha CED iyo UNDEF uga mahadcelisay qabashada barnaamijkan.

Dhanka kale, Khadiijo waxay tiri. "Kulligeen waa inaan ku wajahnaa sidii aan uga qaybgeli lahayn siyaasada 2016-ka. qaabka ka qeyb-galkeennana waa mid la mid ah sida uu muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto. Sidaas darteed haweenka waxay ka qayb-qaadan karaan xilalka la isu doorto iyo kuwa la isku magacaabo, waana loo baahan yahay fursadahan oo kale, waxaa la leeyahay sida lagu gaaro karo doorashada 2016-ka waa One Man One Vote, maxaa loo dhihi waaye One Woman One Vote, waa in aragtideena ay sidaas noqotaa oo naloo awoodsiiyaa."

Ugu dambeyn, wasiiradda haweenka, wasiir ku-xigeenka diinta iyo owqaafta Yuusuf Xeyle, agaasimaha hay'adda CED iyo qaar ka mid ah madaxdii kale ee ururrada haweenka ka socday ayaa ka qayb-galayaashii tababbarkan gudoonsiiyay shahaadooyin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya