4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Wafdi ka socda dalka Denmark oo la Kulmay Somalida Minnesota (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Waxaa habeenkii xalay ahaa kulan casho sharaf  ah loogu sameeyay hoteelka Safari ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wafdi ka socday dalka Denmark oo ka koobnaa 10 qof oo kala yimid afarta gobol ee ugu waaweyn dalkaas.

Ujeeddada wafdigan uu u yimid Minnesota ayuu HOL ugu sheegay madaxa Somali Action Alliance, Xaashi Shaafi inay tahay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen horumarka ganacsiga, siyaasadda iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ee halkan ku nool u dhexgaleen bulshada ay la nool yihiin ee Mareykanka ah.

“Waxay doonayaan inay wax ka bartaan dhaqamada Soomaalida Minnesota ku nool, si ay ugula laabtaan wixii ay ka faa’iidaan dalkii ay ka yimaadeen oo ay ku nool yihiin Soomaali badan,” ayuu yiri Xaashi Shaafi.

Kulanka oo ahaa mid la isku-dhaafsanayay su’aalo gaar ah oo la isku is-barbar-dhigayay nolosha dalka Maraykanka iyo fikradaha ay dadku ka qabaan, sida dadka Soomaaliyeed ee ku nool ay ku hormarin karaan noloshooda iyo shaqooyinkooda.

Dadkii kulanka kasoo qayb-galay ayaa waxay isugu jireen ganacsato, madaxda ururrada bulshada, macallimiin Soomaaliyeed, booliis Soomaali ah, ururrada haweenka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya xafiisyada loogu adeego bulshada.

Sarkaal ka mid ah booliiska gaadiidka Minneapolis, SGT. W Siraach su’aal ahayd sida uu uga mid noqday booliiska Mareykanka isagoo aan dalkan ku dhalan oo uu weydiiyay Pablo oo ka mid ah waftigii Denmark ayuu kaga jawaabay.

“Maraykanka waa dal ku dhismay dad kala duwan oo soo galooti ah waxayna ogolaadeen cid walba oo la nool inay isku mid yihiin, waliba haddii qofku uu waddadii saxda ahayd raaco, marka isku mid baan nahay aniga iyo dadkaan halkan ugu imid.”

Waxaa kaloo kulanka kasoo qaybgalay xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota, Andrew M. Lunger oo mahad-celiyey kasoo qayb-galayaasha kulanka isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo dadkan kala duwan.

Ugu dambeyn, Xaashi Shaafi ayaa HOL u sheegay inta ay wafdigaan joogaan gobolka Minnesota inay  booqan doonaan ganacsiyada Soomaalida iyo sidoo kale xafiisyada ay maamulaan.

Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota