4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo la Kulmay Xldhibaannada ku sugan Magaalada Nairobi


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kulan qaado ah la qaatay xidhibaannada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulanka ayaa haa mid uu ra’iisul wasaaruhu warbixin xaaladda ku saabsan xaaladda uu dalku ku sugan yahay uu ku siinayay xildhibaannadan iyo inuu uga warramo shirkii looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ka dhacay shalay magaadlada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

C/weli Sheekh ayaa u sheegay xildhibaannada in xukuumaddu ay qaadday tallaabooyin lagu sugayo amniga, kuwaasoo laga gaaray natiijooyin fiican, gacanta dowaladana uu soo galay hub faro badan oo si sharci-darro ah lagu haystay.

“Xukuumaddu waxay qaadday howl-gallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, waxaa lasoo qabtay kooxo abaabulan oo ka tirsan nabad-diidka, waxaa sidoo kale Muqdisho laga fuliyay howlgallo ballaaran oo lagu soo qabtay hub badan oo sharci-darro ah, taasoo ah calaamad muujinaysa sida xukuumadda ay uga go’an tahay ka dhabeynta ballan-qaadkeedii dhinaca amniga ahaa,” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey shirkii magaalada Addis-Ababa lagu soo gaba-gabeeyay ee looga hadlayay qaxootiga Soomaaliya, isagoo sheegay in sida looga soo qayb-galay ay muujinayso in xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ku aaddan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska ah, waxaana ka  go’an xukuumadda buu yiri inay dar-dar-geliso xasilinta dalka si loo abuuro jawi nabdeeed oo qaxootiga u saamixi karta inay dalkooda kusoo noqdaan.

Xildhibaannada ka hadlay madasha ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howl-gallada ay xukuumaddu ku sugayso amniga, sidoo kale waxay xuseen in qofka hub haysta uu yahay cadowga nabadda, loona baahan yahay in hubka laga qaado shacabka si loo helo nabadgalyo la isku halleyn karo, barlamaankuna uu si buuxda u taageersan yahay howlgalladaas billowga ah.

Ugu dambeyn, C/weli Sheekh ayaa ka codsaday xildhibaannada inay sii laba-laabaan sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan xukuumadda,isagoo sheegay in dowladda awoodda saarayso in hubka laga sifeeyo dalka, loogana baahan yahay xildhibaannadu inay gacan ka geystaan howshas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya