4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
COL. XUMAD: Ka bixidda AMISOM ee Somalia Waxaa la Ogaanayaa 2016-ka


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada AMISOM ay ku xiran tahay hadba sida ay dowladda Soomaaliya awood uGu yeelato inay hanato ammaanka dalkeeda oo dhan.

Col. Xumad ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli ay ka sheegtay ku simaha ergayga ururka Midowga Afrika ee Somalia ahna madaxa AMISOM, Lydia Wonyota Motende Kampala in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sannadka 2016-ka.

“AMISOM halkan waxay u timid shaqo, markii shaqadeedu dhamaatana way ka baxaysaa, balse goorta ay noqonayso waa mid Alle og-yahay,” ayuu yiri Col. Xumad oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale, afhayeenka oo la weydiiyay in madaxa AMISOM ay sheegtay in Soomaliya ay ka baxayaan sannadka 2016-ka, wuxuu uga jawaabayo iyo qorshaha ka bixitaanka Somalia ayuu kaga jawaabay in sannadkaas ay Soomaaliya ka dhici doonto doorasho; ayna inta ka horreysa dalka ka nadiifin doonaan Al-shabaab si ay doorashadaas u dhacdo.

“Hadalkaas sida loola jeedo waa in sanadkaas uu yahay mid muhiim ah oo ay Soomaaliya doorasho ka dhacayso,” ayuu si kooban u yiri Col. Xumad, isagoo xusay in howshooda ay wax yar ka harsan yihiin, uuna yahay sannadkaas mid ay dib u eegayaan howlgalkooda.

Wuxuu hadlakiis sii daba-dhigay in wax walba ay ku xiran yihiin horumarka laga gaaro nabadeynta Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada qalaba sida, shacabka iyo dowladooduna ay gacanta ku dhigaan sidii dib loogu dhisi lahaa jiritaanka Soomaaliya.

“AMISOM inay dalka ka baxdo waxay ku xiran tahay hadba sida howshooda Soomaaliya u muuqato, mar walbana waan baxaynaa, balse way iska imaan doontaa,” ayuu mar kale yiri afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay inay howlo badan horyaallaan inta bixitaankood ka harsan, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka muuqdaan hadda isbedello waaweyn oo lagu farxi karo.

Su’aal ahayd xilliga uu u maleynayo inay ka bixi karaan Soomaaliya oo ay howshooda ku wareejin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu ku jawaabay.

“Waxaanu jecelnahay inaan sida ugu dhaqso badan uga baxo, taasina waxay ku xiran tahay hadba sida ay dowladda iyo ciidankeeda noola galaan dadaallda aan wadno. Haddiise waqti la yiraahdo anigu waxaan oran lahaa Allaahu Yaclam (Ilaahay baa og), waxaase la ogaan xilliga ay AMISOM baxayso wixii doorashada madaxnimo ee Soomaaliya ka dambeeya.”

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Sierra Leone ayaa waxay Soomaaliya u joogaan sidii ay dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya