4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Israa’iil oo Duqeyn ku dishay Saddex Sarkaal oo ka Tirsanaa Ururka Xamaas


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Israa’iil ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ku dishay seddex sarkaal oo ka tirsan ururka Xamaas oo dagaal kula jira Al-shabaab, arrintan ayaa sababtay in maanta ay sii  xoogeeystaan weerrarada cirka ah ee Israa’iil ay kuwaddo Gaza  iyo  sawaariikh ay ururka Xamaas ku ganayaan gudaha Israa’iil.

Saraakiisha Yuhuudda ayaa sheegtay inay duqeeyeen goobo lagu hubka lagu farsameeyo oo ku yaalla Marinka Gaza, kaddib markii dhowr gantaal ay ku dhaceen maanta koonfurta Israa’iil.

Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay in 200 oo gantaal ay ururka Xamaas ku weerareen Israa’iil, iyadoo ciidamdeeda ay bartimameeysteen boqol goobood oo ku oo lagu rakibo sawaariikhda oo marinka Gaza ku yaalla, tan iyo intii ay burburtay xabad-joojintii KMG-ka ahayd ee labada dhinac la dhex-dhigay.

Mas’uuliyiinta Xamaas ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen; Maxamed Abu Shamala, Maxamed Barhoum iyo Racid al-Catar, kuwaasoo ku sugnaa markii duqeyntu dhacaysay deegaanka Rafax ee Gaza, waxaana la dhintay saddex qof oo kale oo shacab ah.

Kooxda Xamaas oo gacanta ku haya Gaza ayaa ku dhawaaqay in saddex ka tirsanaa saraakiisha sare lagu dilay duqeeyn cirka ah xalay saqdii dhexe ka dhacday Gaza, iyadoo wasaaradda gaashaandhigga israa’iil ay caddeysay dilkaasi maanta.

Ra'iisul wassaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay kaddib kulan uu la yeeshay golihiisa wasiirrada inuu sii socon doono duqeymaha ay ka geysanayaan Gaza.

Maalmo deggenaaasho ah kaddib ayaa waxaa dib u billowday colaadihii ka taagnaa Gaza, kaddib markii ay guul-darreysteen Falastiiniyiinta iyo Israa’iil inay isku fahmaan wadahadallo uga socday magaalada Qaahira iyo Yurub.

Colaadda Gaza ayaa waxaa ku geeriyooday tan iyo markii ay billowdeen 2,036 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaasoo u badan dad rayid ah oo lagu duqeeyay guryo ku yaalla deegaankaas, halka Israa’iil ay kaga dhinteen 64-askari iyo saddex qof oo rayid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya